madaxweynahasomaliagaroweGaroowe(ANN)Shir Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland uga socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka jira Somalia, ayaa laga soo saaray 7 qodob oo dhanacyadu ay sheegeen inay heshiis ku yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen 7-qodob, kuwaas oo kala ah sidan:-

1:Fulinta Heshiisyadii hore loo gaadhay.

2:Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.

3:Dhismaha maamullada qaybta ka noqonaya Federaalka.

4:Higsiga 2016.

5:Amniga.

6:Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.

7:Baahinta maamulka.
Qodobka ugu horeeya eek a hadlaya fulinta Heshiiyadii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ay hore u wada gaadheen, ayaa Guddi gaar ah loo xil saaray fulinta arrimahaa iyo wixii la xidhiidha.

Waxaana heshiiska ka kooban 7-da qodob saxeexay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.