Uhuru KenyattaNairobi(ANN)Xukuumadda Dalka Kenya ayaa xayiraadii ka qaaday Xawaaladdaha Soomaalida ee ay xayirtay horaantii sanadkan. Sidaana waxa sheeca ka qaaday Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuro Kenyatta oo warbaahinta la hadlay maanta.

 

13 ka mid ah Xawaaladdaha Somaalida iyo Akoono xisaabeed ay lahaayeen shaqsiyaad gaar ah ayaa la xidhay April 2015,  kadib weerarkii Jaamacadda Gaariza ee ay fuliyeen, kaas oo khasaare baddan dhaliyay, balse  dawlada Kenya ayaa arrintaa kaga jawaabtay inay xayiraad saarto dhamaan Xawaaladdaha ka furnaa dalkeeda ee Soomaalida I yo weliba xisaabaad ay lahaayeenshaqsiyaad, kuwaas too dhawr bilood kadib ay hadda xayiraadii ka qaaday.
Xukuumadda Kenya, ayaa arrintaa kala kulantay canbaarayn caalami ah, sidoo kale Tallaabada dawlada Kenya xiligaa ku xayirtay Xawaaladaha Soomaalida, ayaa  saamayn ku yeelatay dadka ganacsatada ah iyo bulshada kale ee Soomaalida ku dhaqan Kenya, kuwaas oo dawlada Kenya ku canbaareeyay arrintaa.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid, ayaa tallaabada dawlada Kenya ee xiligaa ku tilmaamay mid dhibaato aan loo baahnayn horseeday, waxayna qoraal ay arrintaa kaga hadleen ku sharaxeen muhiimada xawaaladuhu u leeyihin nolosha bulshada Soomaalida iyo dib u dhiska dalka, balse waxay sheegeen in tallaabada Kenya meesha ka saaray rajadii laga qabay dhismaha Somalia iyo in laga sameeyo xasilooni.

Dawlada Kenya, ayaa sanadki hore 2014, waxay ka joojisay inay dalkeeda ka shaqeeyaan Urur samafal iyo Hay’addo Caalami ah oo boqolaal ah, kuwaas oo ay ku eedaysay inay siyaabo kala duwan ugu adeegaan Al-shabaab, isla markaana qaarkood dalka soo geliyaan dad aan sharci haysan iyo kuwo qaabka ay kusoo galaan ka leexda, isla markaana khatar ku ah amaankeeda.

Sidoo kale waxay dhowaan sharci cusub kusoo rogtay goobaha Madarasadaha lagu barto Quraanka Kariimka ah, iyadoo albaabada u xidhay Madarasado ku yaalay dalka, waxayna dhamaan tallaabooyinkaa ku macnaysay kuwo lagaga hortegayo amaanka sii xumaanaya ee dalka iyo si loo yareeyo weerarada Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, balse tallaabooyinkaa ayaa noqday kuwo aan waxba ka bedelin weerarada kaga imanayay dhanka Al-shabaab.

Al-shabaab, ayaa horaantii April weerar si weyn usoo jiitay indhaha rayal caamka dunida ka fulisay Kenya. kadib markii ay qabsadeen koox hubaysan Garissa University, waxaana weerarkaa  lagu khaarajiyay dad ka baddan 140 qof gaadhayay,  isla markaana tiro kale, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews