Araweelo News Network

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)

Qaahira(ANN)-Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay horumar ka sameeyeen xallinta khilaafkii ka dhaxeeyay labadaasi dowladood oo isku mari la’aa biya xidheenka Al-nahda ee Itoobiya dhistay.

Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya oo magaalada Al-Qaahira kula kulmay Cabdi Fataax Alsiis oo ah Madaxweynaha xukuumadda Masar, waxa Kulankaa kadib Wasaxaafadeed uu soo saaray Saamix Shukri oo ah wasiirka arrimaha dibadda Masar lagu sheegay in wadahadalladu Labada dhinac ay salka ku haayeen sidii loo yareyn lahaa ismariwaaga labada dowladood, islamarkaana lasii wado wadahadallada ku waajahan biya xidheenka murunka badan dhaliyay ee Itoobiya ka dhisayso wadankeeda, kaasoo xiligan la qorshaynayo in xadhiga Laga Jaro.

Dhinaca kale Ilo wareedyo Laga Soo xigtay Dublamaasiyiin u dhashay Dalka Masar, ayaa sheegaya in C/Fataax Alsiis uu warqad qoraal ah udiray R/wasaaraha Itoobiya, taasoo uu kaga codsaday in uu dib u dhigo munaasabadda xadhigga lagaga jarayo Biya xidheenka Al-Nahda.

Dowladda Masar ayaa ka cabsi qabta in biya xidheenku uu yarayn karo biyaha wabiga Niil oo uu ku tiirsanyahay dhaqaalaha dalka Masar.

“Annagu cidna ma shirqoolayno waxaan nahay dowlad nabad iyo daris wanaag kula nool dariskeeda” sidaas waxaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ku yidhi C/Fataax Alsiisi.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa laba bilood ka hor dowladda Masar ku eedeeyay in ay hubeynayso jabhadaha qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada balse Masar ayaa arrinkaasi beenisay.