Turkiga

Hargeysa(ANN) Dawlada Turkiga, ayaa ka hadashay, isla markaana sharaxaad dheer ka bixisay Siyaasadeeda ku wajaahan Mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrikada madaw. Qoraalka, ayaa si gaar ah loogu soo qaaday qorshaha siyaasadeed ee Dawlada Turkiga iyo xidhiidhak taariikhiga ah ee Bulshada Soomaalida.

Warsaxaafadeed ay xukuumadda Turkigu soo saartay, waxay ku sheegtay inay xoojinayso xiligan xidhiidhka ka dhexeeya dalalka Qaaradda oo dhan, gaar ahaan dhinacyada caawinaadda, iskaashiga, ganacsiga IWM.

Sidoo kalena waxa lagu xusay qoraalkaa in Turkiga uu gacan ka geystay sidii Somalia ay dib caalamka ugu soo laaban lahayd, xilli ay dhibaato xooggan ka jirtay, balse qorshahoodu aanu ahayn inay Somalia oo keliya ku waajahantahay siyaasadooda arrimaha debeda, balse ay isku baahinayaan Afrika oo dhan.

“Turkiga wuxuu horay ugu sameeyay Somalia isbedel dheeraad ah, laakiin qorshuhu maaha oo keliya inaan Soomaaliya ku ekaanno, balse Afrika oo dhan ayaan ka sameyn doonaa,” ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo lagu qoray luqado baddan.

Madaxweynaha xiligan eeTurkiga Recep Tayyip Erdoğan oo hore u ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, ayaa xilli uu ka hadlayay Baarlamaanka dalka Gaaboon bishii Jannaayo ee sanadkii 2013-ka yidhi sidan:- “Afrika waxaa iska leh Afrikaanka, innaguna uma joogno halkan inaan dahabkiinna qaadanno.”

Sidoo kale, Erdoğan wuxuu sheegay in Turkigu aanu weligii qayb ka noqon dalalkii gumeystay Afrika, ama kuwa xidhiidhka la leh, wuxuuna xusay in taas bedelkeeda shacabka Afrikaanka ah ay caawimaad siin jireen, taasoo muddo fog soo taxnayd, sidoo kalena ay gacan ka geysteen sidii ay gurmeysigii xilli hore ka talin jiray ay shucuubta Afrikaanka ah isaga dul-qaadi lahaayeen.

“Waxaa la ogsoon yahay in Turkiga uu weligii garab-taagnaa shacabka Afrika intii ay ku jireen halgankii gobonimo doonka ahaa si ay madaxbannaani uga qaataan gumeystayaashii. Aas-aasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk ayaa saamayn xoog leh ku lahaa halganka ay ugu jireen dadyowga Afrika sidii ay xorriyadooda ku heli lahaayeen; xilligaa oo ay maraakiibta dagaalka Turkigu booqdeen dekedaha 24-waddan oo Afrika ku yaalla,” ayuu yidhi Erdoğan.

Waxa lagu sheegay qoraalka in Turkigu aanu weligii bedelayn qorshihiisa horumarinta Afrika. Iyadoo lagu xusay in dadyowga Turkiga ah iyo kuwa Afrikaanka ah ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan oo keenay inay si wadajir ah u abuuraan heeso dhaqmadooda ka hadlaya.

“Waxaan rumeysannahay in iyadoo taariikhdaas laga shidaal qaadanayo in shacabka Afrika ay u haystaan Turkiga inuu yahay sidii Dal aad ugu dhow oo saxiibbo ay yihiin,”

Qoraalkaa ayaa lagu muujiyay in qunsuliyaddii ugu horreysay uu Turkiga ka sameeyay magaalada Harar ee dalka Ethiopia sannadkii 1912-kii, balse uu maanta Turkigu safaarado ku leeyahay 39 waddan oo Afrikaan ah. Halka ay 32 waddan oo Afirkaan ah safaarado ku leeyihiin magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.

“Hadda waxaa jira kumannaan qof oo Afrikaan ah oo wax ka barta Turkiga, ka shaqeysta iyo kuwo ku nool. Turkish Airlines waxay duulimaadyo joogto ah ku tagtaa 40-waddan oo Afrika ah. Waxaa jira iyadoo uu sii kordhayo maal-gashiga ay shacabka Turkida ah ku sameysanayaan Qaaradda Afrika,” sida lagu sheegay qoraalka Dawlada Turkiga.

Sidoo kale waxa lagu xusay in ganacsatada Turkiga ay labadii illaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay maal-gashiyo kala duwan oo ku kacay 100-milyan oo doollar ku sameysteen Muqdisho, Somalia oo keliya, taas oo ay sheegeen in ay muujinayso in Tobankii sanadood ee u danbeeyay xidhiidhka ganacsi ee Turkigu la leeyahay Afrika sare u kacay. Sidaa awgeed in Turkiga ay ka go’an tahay inuu xoojiyo taageerada uu siinayo ururka Midowga Afirka, taas oo macneheedu yahay sidii wax looga qaban lahaa qaar ka mid ah wadamada Afrika ee xaaladoodu liidato.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com