Araweelo News Network

Msgr . Giorgio Bertin , Bishop of Jabouti

Msgr . Giorgio Bertin , Bishop of Jabout

Roma(ANN) Idaacad ku hadasha codka Dawladda yare e Faatikaanka oo ah mid awood badan, isla markaana ah ,maamulka sare ee Kaniisadda ugu weyn Katooliga (Vatican), ayaa baahiyay war sheegaya in kaniisad ay ku lahaayeen muddo ka baddan nus qarni Magaalada Hargeysa dib loo furay.
Sidaana waxa lagu sheegay wareysi uu bixiyay , Msgr . Giorgio Bertin , Bishop of Jabout oo lagu baahiyay barta internetka, isagoo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii furitaankeeda magaalada Hargeysa Bishii January ee sanadkan 2016.

Msgr . Giorgio Bertin oo ah wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Jabouti, wuxuu sheegay in furitaankii dib loogu furay kaniisada ay sidoo kale ka qaybgaleen dad aaminsan diinta “Kirishtanka” (Nasaarada) iyo shaqaalaha hey’adda samafalka ah ee loo yaqaan “Caritas” oo ah hey’ad kaniisadda Katooliga hoos tagta, kana shaqeysa goobo badan oo Somaliland iyo Soomaaliya ah.

Msgr . Giorgio Bertin oo ka mid ah kuwa fidiya diinta Kirishtanka eek u waajahan geyiga Soomaalida iyo geeska Afrika, isala markaana ku dhawaad 40 sanno ka shaqeynayay ayaa si farxadi ku dheehantay uga hadlay furitaanka kaniiisaddaa.

Wuxuu xusay in Kaniisaddu sooyaal dheer ay ku laheyd meesha hadda laga furay. 1950-kii oo ay ka furneyd , balse 1988-dii burbur ku yimi dawladii dhexe ee Soomaaliya ay xidhantay 1991-dii, iyadoo xiliggaas ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya hoy u noqotay dad shacab ah oo galay dhismihii, kuwaas oo sida uu sheegay is ka dagey. Balse shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda samafalka ee magaceedu yahay “Caritas” ay ku guuleysteen in dib looga raro dadkii degnaa dhulka kaniisaddu leedahay, horana u keydiyay qalabkii ay ku cibaadeysan jireen masiixiyiintu iyo aqalladii loo gu talagalay wadaadda tujiya Kaniisadda in ey ku hoydaan.

Wuxuu xusay in Al-shabaab oo Somalia ka jirta khatar ku tahay amniga, isla markaana amniga magaalada muqdisho aanu ahayn mid laysku halayn karo, balse Somaliland oo uu ku sheegay dawlad Hoose oo degan dhinaca amniga ay kala hadleen maamulkeeda furitaanka kaniisaddaan yar, wuxuu sheegay in hawlo fara badan oo is kugu jira koorsooyin, iyo kuwo farsamo gacmeed ay ka dhex wadaan caasimadda Muqdisho oo aanay ka madhnayn kanaaisad ahaan. sidoo kale wuxuu xusay inay jiraan dad badan oo aaminsan diinta Nasaarada oo ku nool gayiga laga furay kaniisadda iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, isagoo ku dooday in aanay ahayn sida mar walba loo sheego in ay Soomaalidu muslimiin wada yihiin sida Baadarigaasi Msgr . Giorgio Bertin ku dooday.

source: radiovaticana.va/news/