Hargeysa(ANN)-Boqortoyada Ingiriiska ee (United Kingdom), ayaa si weyn usoo dhowaysay heshiiska toddobaadkan lagu saxeexay magaalada Ceel-afweyn ee dhex maray Aradaayada labada dhinac ee walaalaha ah ee hore ugu dagaalamay deegaankaa.


Wakiilka dawladda Britain u jooga Hargeysa Danjire Stuart Brown, ayaa qoraal kooban oo ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay sida ay Dawladda Britain u aragto heshiiskaa iyo in lasoo af-jaro collaadda muddada dheer ka taagnayd deegaankaa.


“Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ee Axadii 22 December 2019. lagu gaadhay Ceel-afweyn. Afar sanno oo collaad ah ka dib heshiiskani wuxuu markhaati u yahay ahmiyada ay leedahay in bulshada deegaanku ay horseed ka noqoto dedaalada nabadeed ee Somaliland. Hambalyo dhammaan intii ka qayb qaadatay. Waxaan rajaynayaa in bulshadu ay ku naalooto nabad waarta.”ayuu ku yidhi, qoraalkiisa Stuart Brown uu ku qoray Bartiisa Twitterka.

AKHRI: Qodobada Heshiiska Rasmiga Ah Ee Nabada Ceel-Afweyn