London(ANN)-Dowladda boqortooyada UK,  ayaa safiir cusub usoo magacowday dalka Soomaaliya.

sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Britain maanta, Safiirka cusub ee UK u fadhin doonaa waddanka Soomaaliya loo magacaabay Ambassador Ben Fender, kaas xilka kala wareegi doonaa David Concar, marka la gaadho bishan February ee soo socota.

Safiirkii hore Ambbasador Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin nooca uu yahay xilka loo magcaabay.

Safiirka cusub ee dawladda Britain usoo magcawday arrimaha Soomaalida, Ambbaasaoor Ben Fender ayaa ka hor intii aan xilkan loo magcaabin  ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran.

Dawladda Britain, ayaa si weyn  saamayn ugu leh arrimaha Soomaalida, iyadoo  saddexdii Nin ee u danbeeyay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay usoo wakiishay ay ahaayeen Dublamaasiyiin u dhashay Britain, waxaana kii ugu danbeeyay  oo  xukuumadda Soomaaliya dalka ka eriday Ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicolas Heyso, kaas oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanideeda.