Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo dawladda Ingiriiska.

Hargeysa (ANN)- Dawladda Denmark, ayaa caddaysay in beesha caalamku kala shaqaynayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland gurmadka iyo wax-ka-qabashada dhibaatada bani’aadanimo ee ka dhashay xaaladda abaarta ka taagan dalka.
Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan waddamada Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Amb. Mette Knudsen oo wefti ay hoggaaminaysaa booqasho ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka hadashay kaalinta dalkeeda iyo kuwa kale ee beesha caalamku ka qaadanayaan ka jawaabidda saamaynta abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyada Somaliland.
Amb. Mette Knudsen iyo weftigeeda oo madaarka diyaaradaha Egal ee Hargeysa uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa hadal ay halkaasi ku siisay warbaahinta kaga warrantay ujeeddada socdaalkeeda oo ay ku sheegtay inuu la xidhiidho xaaladda abaarta adag ee ka jirta Somaliland iyo wadahadal ay dawladda kala yeelayso gurmadka loogu jiro in taakulo lagu gaadhsiiyo dadka jilicsan.
Waxa kaloo ay xustay in dalkeeda Denmark iyo beesha caalamku diyaar u yihiin ka qaybqaadashada samatobixinta dadka abaartu dhibaataysay, waxaanay tidhi, “Denmark ahaana si dhaw baanu ula soconay, qaar ka mid ah shaqaalahayga ayaa halkan joogay horraantii toddobaadkan si ay u eegaan sida xaaladdu tahay, waxaannu si wayn uga war haynaa in xaaladdu tahay mid halis ah u saamaysay qayb ballaadhan oo dadweynaha Somaliland ah, waxaannuna ka wadahadalnay sidii gurmad loo wada gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan, beesha caalamka oo ay ku jirto dalka Denmark waxa ka go’an in ka badan lix milyan oo dollar in aannu ku waajahno xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay abaaraha saameeyey Mandaqadda Geeska Afrika.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna sheegay inay ka wadahadli doonaan Safiirka Denmark arrimaha abaarta iyo xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, “Ujeeddada ka dambaysa socdaalka safiirka waxa weeye inay u kuurgasho xaaladda abaaraha iyo in aan ka wadahadalno sidii aynu u xoojin lahayn xidhiidhka labada dal, Denmark waa waddamada runtii aad iyo aad inoo taageera, sidaynu la socono dalka Denmark qayb buu ka qaatay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxaannan doonayaa in aan halka uga mahadceliyo dawlad iyo dadka Denmark sida wayn ee qiimaha leh ee ay noo taageeraan,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.