Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dawwladda Federaalka ah ee Ethiopia ayaa xabsiga u taxaabtay Madaxweynihii Kiilka shanaad  Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay xasaanadii laga qaaday.

Cabdi Maxamuud oo muddooyinkan ku jiray Xabsiga Guri ku yaal Magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa, waxayna wararka,ayaa sheegaya in laga kedge yay gurigiisa, iyadoo la arkayay Askar hareeraha ka socotay oo xabsiga usii waday.

Xadhiga Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa xadhigiisa lagu soo beegay maalin kadib markii Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ka hadlay arrintiisa sheegay inuu Cabdi Maxamuud Cumar leeyahay wixii uu ka helo sharciga Ethiopia.

Madaxweynihii hore ee deegaanka is maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, waxa lala xidhiidhiyay denbiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha oo loo tirinayo mudadii ay xukunka hayeen.

Sidoo kale waxa lagu eedaynayaa dhibaatooyinkii iyo fad-qalalooyinkii ka dhacay magalaada Jigjiga dhowaan markii maaulkisu meesha ka baxay, iyadoo ay magaalada Jigjiga ka dhaceen boob iyo dhac loo geystay dad rayid ah iyo hanti dawladeed iyo shirkado, iyadoo shalay xukuumadda Somaliland ku wareejisay dawladda Ethiopia gaadiid laga soo bililiqaystay deegaanka is maamulka Soomaalida ee Ethiopia..