Araweelo News Network

qunsulkaadisababa
Hargeysa (ANN)- Dawladda Itoobiya, ayaa sharraxaad ka bixisay iskaashiga dhinacyada kala duwan ah ee ay la leeyihiin dalka Somaliland, iyagoo labada dawladood heshiis ku ah ka wada shaqaynta arrimaha khuseeya ammaanka, ganacsiga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Hargeysa oo qoraal saxaafadda loogu talogalay soo saaray shalay, waxa uu ku faahfaahiyey xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, isagoo xusay in madaxda labada waddan is-dhaafsadeen booqashooyin iyo kulamo rasmi ah si loo dhiirrigeliyo iskaashiga ay wadaagaan.
“Wefti ka socda Somaliland oo u hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya, 29 bishii October 2016, halkaasoo ay kulan kula qaateen Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn, waxayna ka wadahadleen arrimo dhinacyo badan oo la xidhiidha danaha labada dal iyo danaha caamka ah.
Labada hoggaamiye waxay kulankooda isku waydaarsadeen aragtidooda sii ballaadhinta iskaashiga hadda jira ee ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidoo kale isku xidhka labada dal, sida kaabayaasha iyo horumarinta dekedda Berbera oo Itoobiya xiisaynayso adeegsigeeda. Waxay sidoo kale isku raaceen in si wadajir ah looga hawlgalo xaqiijinta nabadda iyo ammaanka gobolka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yidhi Ambassador Brigadier General Mr. Berhe Tesfay.
“Kulan ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobita Dr.Tedros Adhanom magaalada Addis Ababa oo lagaga hadlay iskaashiga labada waddan wadaagaan, waxay ku gaadheen heshiis dhinacyada Itoobiya iyo Somaliland kaga wada shaqeeyaan oo khuseeya arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, horumarinta arrimaha bulshada ay ku jiraan, iyo sidoo kale baahida loo qabo dhismaha iyo dayactirka waddada u dhexeysa Berbera iyo magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale oo muhiim u ah xidhiidhka iskaashiga ganacsiga ee dejinta iyo dhoofinta u dhexeeya labada dal.”
Wakiilka Itoobiya, ayaa sheegay in dawladoodu sii wadi doonto dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka taageerayaan Somaliland, halka sidoo kale dawladdiisu ka shaqayso kor-u-qaadista awoodda tasho ee ciidammada booliska, sirdoonka, xeebaha iyo Laanta Socdaalka ee Somaliland.
“Sidoo kale, masuuliyiin kala duwan oo hay’adaha iyo wasaaradaha Somaliland ayaa tababaro muddo gaaban iyo waqti dheer ku soo qaata Itoobiya, taasoo sannad-dugsiyeedkan dalka Itoobiya deeq waxbarasho shahaadada jaamacad koowaad iyo labaad siisay arday gaadhaysa 130 reer Somaliland ah.
Si loo horumariyo iskaashiga u dhexeeya labada shacab iyo labada xukuumadood ee Itoobiya iyo Somaliland oo sii horumaraya sannadba sannadka ka dambeeya, wuxuu ku yimmi isfaham iyo wadaagida iskaashi micno leh,” ayuu yidhi Safiirka Itoobiya.

“Guud ahaan wada-xaajoodka labada waddan ayaa lagu soo qaaday arrimo kala duwan oo u baahan in dedaalo wadajir ah looga midho-dhaliyo, la iskuna qaatay qorshahii mustaqbalka loo sii xoojin lahaa xidhiidhada xilligan ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland.
Waxa kaloo ay Itoobiya adeegyo kala duwan u fidisaa shacabka reer Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin fududaynta dhinaca socdaalka, iyadoo bixisa fiisayaal iyo adeegyo safarka diyaaradaha, taasoo ujeeddadeedu tahay sidii la isugu xidhi lahaa bulshada labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.”
Waxa kale oo uu tilmaamay in labada dawladood si xooggan iskaga kaashadaan dhinacyada ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, tahriibka iyo fal-dambiyeedyadka kala duwan, iyagoo is-weydaarsada macluumaada ku saabsan amniga, halka ay sidoo kale kulamo dhinaca farsamada khuseeya wada yeeshaan madaxda dawladaha Itoobiya iyo Somaliland.