Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Dawladda Itoobiya, ayaa caddaysay inay si rasmi ah baadhis buuxda ugu samayn doonto xasuuqii ciidanka Liyuu Booliska ee maamulka Kililka Shanaad ee dalkeedu ka gaysteen degaanka Jaamac Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee bariga dalka Itoobiya toddobaadkii hore.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland shalay, wefti uu hoggaaminayo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Md. Regasa Kefalewu, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxayna labada dhinac ka wadahadleen qodobbo ay ka mid yihiin weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ciidanka Liyuu Boolisku ku qaadeen degaanka Jaamac Dubbad iyo falal daandaansi ahaa oo ciidankaasi ka fuliyeen degaanka Balli-dhiig maalintii Jimcaha.
“Waxaan idin ku soo dhawaynayaa dalka iyo Madaxtooyada labadaba. Sidaad ogtihiin waxaynu nahay laba dal oo jaar iyo saaxiib ah, waxanaan illaawayn sidii dadkayagu idinku baxsadeen 1980aadkii markii keligii taliyihii Siyaad Barre ay ka qaxayeen, magangelyadii aad siiseen, gacmo furaantii iyo laab furnaantii aad ku soo dhowayseen, kuna soorteen.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo hadal soo dhawayn ah ku qaabilay weftiga dalka Itoobiya.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamo ka bixiyey, xidhiidhka ka dhexeeya labada dal iyo sida ay uga faa’iidaystaan labada dhinacba, “Waxaynu nahay dan wadaag ka wada shaqaynaya in dalalkeennu noqdaan kuwo xasilloon, isla markaana dadyawga labada dal ku hantaan barwaaqo.”
Madaxweynuhu wuxuu u gudbay inuu ka waramo muhiimadda socdaalka weftiga oo ku saabsan hore u dhiggida heshiisyada ganacsi ee u dhexeeya labada dhinaca, isagoo tilmaamay in dhinacooda Somaliland ahaan ay diyaar u yihiin ka midho-dhalinta heshiisyadaas.
“Socdaalkiinna sida masuuliyiinta noo qaabilsani i soo gaadhsiiyeen wuxuu la xidhiidhaa ganacsiga iyo fudaydintiisa, oo ay ku jirto wax-ka-qabashada jidka Berbera iyo Tog-wajaale, waxanan amrayaa masuuliyiinta dhinacayaga in aanay waxba kala hadhin, sidii ay taabbogal u noqon lahaayeen, si kama dambaysana loogu gebegebayn lahaa heshiisyadaas.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Somaliland la gashay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, “Aragtida fog ee Somaliland waxa weeye in gobolka ay ku yaallaan Itoobiya iyo Somaliland-ba noqdo gobol dhaqaalihiisu xooggan yahay, iyadoo heshiiskayaga DP world iyo Somaliland uu yahay waxa xaqiijinaya in gobolkani yeesho dhaqaale xoog leh, iyadoo waddada aynu ka wada shaqaynayno sammaynteeda ee Somaliland iyo Itoobiya isku xidhaysa tahay isku xidhkii Gobolka Geeska Afrika.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftiga Itoobiya kala hadlay mashaqadii ka dhacday degaanka Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo, waxaannu yidhi; “Waxa na soo gaadhay dadka aan hubaysnayn ee waayeelka, carruurta iyo haweenka ahaa ee qaarkood sida la noo sheegay masaajid ku jireen ee la laayey. Annagu idinkuma fara-gelinayno maamulka dalkiinna, waxase aannu jecelnahay inaad ku samaysaan baadhis rasmi ah cidda dhibaatadaas gaadhsiisay dadkaas, isla markaana aad wax ka qabataan ciddii geysatay falkaa bani’aadanimada ka baxsan.”
Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo, ayaa weftiga kala hadlay fal ciidanka Liyuu Boolisku ku galeen magaalada Balli-dhiig, kuna jeexjeexeen calanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hadidaad ugu gaysteen dadweynaha ku dhaqan magaaladaas.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Regasa Kefalewu, ayaa isaguna dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee loogu baashiray intii ay dalka joogeen, isagoo si gaar ahna uga mahadnaqay madaxweynaha qaabilaadda qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Wasiir Regasa Kefalewu waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda, isagoo madaxweynaha u sheegay in masuuliyiinta labada dhinac ee heshiisyadu ay uga wada shaqaynayaan sidii la rabay, heshiisyadaas oo isugu jira kuwo la gebegebeeyey iyo kuwo dhakhso loo gebegebayn doono.
“Madaxweyne, waxa aannu ballanqaadaynaa sidaad adiguba sheegtay, in baadhis rasmi ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen, dhibaatada meesha ka dhacday, cidda ka dambaysay, ujeeddada ay lahaayeen, isla markaana si toosa loo horgeyn doono sharciga dambiilayaasha dilka dadkaas ku tallaabsaday.” Sidaa waxa yidhi Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ka hadlay dadkii lagu xasuuqay degaanka Gaashaamo.
Hoggaamiyaha weftiga Itoobiya, ayaa sidoo kale muujiyey sida dawladdiisu uga xun tahay falalka ka dhacay degaannada Gaashaamo iyo Balli-dhiig, waxaannu carrabka ku adkeeyey in aanay dawlad ahaan waxba kala hadhi doonin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay xasuuqaas oo lagu laayey dad rayid ah oo ka badan 21 qof.

Waxa kaloo weftiga Itoobiya tilmaameen in dhacdooyinka caynkaas ah khatar ku yihiin amniga wanaagsan ee ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Itoobiya.
Dhinaca kale, weftiga ka socday dawladda Itoobiya, waxa ay kulamo la yeesheen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaasoo ballanqaaday inay si weyn ugu han weyn yihiin isticmaalka dekedda Berbera, isla markaana wax uga dhoofin lahaayeen, baddeecadahana ugala soo degi lahaayeen, iyagoo sidoo kale xusay inay mudnaanta siin doonaan sidii degdeg loogu bilaabi lahaa dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka uu la yeeshay weftiga Itoobiya ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Ganacsiga Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), Qorshaynta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed, Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghahaya gaarka ah ee Madaxweynaha mdane Cali Axmed Cali Axmed.
Weftiga ka socday dawladda Itoobiya, waxa hoggaaminaya Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Md. Regasa Kefalewu, waxana xubno ka ah; Wasiirul-dawlaha Beeraha, Xoolaha Nool iyo Khayraadka Dabiiciga ah Mr. Gebre Egzabher, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan dalalka IGAD iyo wadammada jaarka ah Ambassador Suleman Dedefo, Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay Somaliland Mr. Bereh Tesfay iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha Itoobiya.