Araweelo News Network

Muuqaalka Bacaha

 

Nairobi(ANN)-Dawladda Dalka Kenya, ayaa soo saartay qaanuun si rasmi ah u dhaqan gelaya  maanta oo noqonaya xeer lagu mamnuucay adeegsiga Bacaha, kaas oo dhigaya in qofkii lagu qabto isagoo isticmaalaya lagu ganacaaxayo lacag laba milyan oo shilinka Kenya ah, oo u dhiganta toban kun oo doolar.

 

Qorshahan manuucida Bacaha ee waxyeelada ku ah deegaanka iyo bilicda magaalooyinka ayaa xukuumadda Somaliland Mamnuucday in Dalka lasoo geliyo, ama lagu iibiyo, balse dhinaca Suuqyada ganacsiga Somaliland weli bacdu way Ka shaqaysaa, waxaana kordhay oo keliya qiimaha lagu iibiyo, taasoo waxba kama jiraan Ka dhigtay go’aanka xukuumadda Somaliland ku Mamnuucday Bacaha.

 

Haseyeeshee Xukuumadda Dalka Kenya, ayaa qaanuun adag oo ganaax ah kusoo rogtay Isticmaalka Bacaha, iyadoo sheegtay in ganaax lacag ah oo gaadhaya dhawr Iyo toban kun oo Dollar lagu ganaaxayo, waxayna amar ku bixisay in la xidho wershedaha soo saara Bacaha.

 

Xukuumadda Dalka Kenya, waxay sheegtay in  isticmaalka bacuhu  ku faafeen dhamaan dalka Kenya  oo dhan,  sidaa awgeed sababta  loo mamnuucay  waxay dawladda Kenya ku sheegtay in ay tahay khatarta ay bacdu ku hayso deegaanka iyo xoolaha.

Meelaha ay bacdu saamaynta ku yeelatay waxa ka mid ah gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi Bari, waxaana la filayaa inuu dhaqangalo qaanuunka xukuumadda Kenya ku mamnuucday Bacaha,  maadaama ganaaxa lagu xukumayo dadka lagu qabto in ay isticmaalayaan uu yahay mid culus.

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa April 2015 soo saartay Digreeto lagu mamnuucayo Bacaha, Warbixin Araweelo News Network ku falanqaysay go’aankaa halkan Ka akhri.

 

Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Ku Mamnuucay Bacaha Muxuu Kaga Duwanyahay Go’aamada Xukuumaddihii Ka Horeeyay.?