Araweelo News Network

Nairobi(ANN)-Hadalka waxaa toddobaadkii la soo dhaafay jeediyay guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee Australia kaddib markii shirkadda dulimaadka Qantas lagu khasbay diyaaradeeda inay bixiso $18,000 oo ganaax ah maadama ay si aan qorsheysnayn uga degtay garoon ku yaalla dalka Australia.

Diyaaradda ayaa loo weeciyay garoonka Canberra oo ay muddo 8 daqiiqo ah ku sugnayd, maadaama ay xumayd hawada ay ku duuleysay.

Mr. Graeme Samuel, oo ah guddoomiyaha waaxda oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa duulimaadyada oo Australia ka dhacay ayaa ka cadhooday ganaaxa diyaaradda lagu soo rogay, isagoo yidhi:

“Diyaarad si aan qorsheysnayn uga degtay garoon ayaa lagu horgooyay gaadhi si aanay u duulin laguna khasbay inay $18,000 oo dolar bixiso. Ma qiyaasi karaa meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yidhi, Samuel.

Samuel ayaa intaasi ku daray in arrintaa lagu matali kara dhaqanka budhcad badeedda Soomaalida oo kali ah.

Hase yeeshee Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabsho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, wuxuuna caro ka muujiyay arrintan wuxuuna sheegay “inay nasiib darro tahay in garoonka sida wayn loo qaddariyo ee Jomo Kenyatta aan lagu matali karin dhaqanka burcad badeedda.”

Wuxuuna sheegay in ”Kenya ay kumanaan ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan u geystaan soo celinta nabadda dal ay dunida inteeda badan xaaladiisa iska indha tirtay’.’

Graeme Samuel ayaa markiiba raalgelin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuusan u gol lahayn inuu xummaan u soo jiido garoonka Kenya.

Warqad uu u qoray safaaradda Kenya ee Australia ayuuo ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen xulashada erayadiisa.