Araweelo News Network

Ambassador Bashe Awil Omar

Dubai (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa farriin mahadnaq ah u dirtay masuuliyiinta dalka Imaaraadka Carabta oo taageero dhinacyo kala duwan ah u fidisay bulshada abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa qoraal uu u diray madaxda dalka Imaaraadka, waxa uu uga mahadceliyey taageerada iyo gargaarka ay dadka reer Somaliland u fidiyaan xilliyada xaalado adag jiraan.
“Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba waxay u mahadnaqayaan iyaga oo u haya abaal iyo qadarinba dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba mucaawinada ay caawiyeen shacabka Somaliland xilli ay aad ugu baahnaayeen, waxay ku reebtay saamayn. Ilaahay casa-wajalle uu u barakeeyey kaalmada iyo taageerada ay u gaysteen walaalahood, waqti aad u adag oo ay haleeshay masiibo dabiici ah. Aad ayaad mahadsan-tihiin ilmo Al Zeyd (qoyska xukumadda Imaaraadka Carabta). Waxa aad caddayseen in aad taageero fiican u tihiin muslimiinta, nimcadiina iyo fadligiinana farxad geliso quluubta Muslim walba,” ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta.
Dhinaca kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeed la soo saaray xafiiska Somaliland ee Imaaraadka, dhakhaatiir iyo hawlwadeenno caafimaad oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la filayaa inay Somaliland socdaal ku yimaaddaan Khamiista berri, haddii Ilaahay yidhaah, kuwaasoo daawayn iyo gargaar caafimaad u fidin doona dadka dhibaataysan ee abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
“Xafiiska Somaliland Mission UAE wuxuu ku wargalinayaa dadweynaha reer Somaliland in maalinta Khamiista ee bishu tahay 26-ka, April, 2017 ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iman doonaan haddii Alle idmo kooxo dhakhaatiir ah oo ka socda dalka aynu walaalahanay ee Imaaraadka Carabta, gaar ahaan (Zayed Giving Medical Initiative).
Kooxahaas oo isugu jira dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, tiradooduna dhan tahay 18 qof, ayaa inta ay joogaan Somaliland waxay hawlgal caafimaad oo kala duwan ka fullin doonan goobo dhawr ah dalka gudihiisa.
Haddaba, waxaannu ku wargelinaynaa shacbiga reer Somaliland in ay soo dhaweeyaan, una diyaar garoobaan gargaarkaa bani’aadaminimo ee ay dadkeenna u fidinayaan dhakhaatiirtaasi. Taasoo ku timmi dedaal iyo karti ay safaaraddu ka geysatay inay dadkeeda abaaraha iyo xaaladda caafimaad-darro isugu darsan tahay u helaan dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal heer caalami ah.
Hawlgalladan caafimaad ee hay’adda khayriga ee Zayed Giving Initiative fullinayso oo bilow ah, ayaa noqon doonaa kuwo ay dalkeenna ka fullinayaan sannadkii dhawr jeer, iyagoo iska kaashan doona Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Imaaraadka Carabtu,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.