Araweelo News Netwprk
“Waxaannu nahay dal isku kalsoon oo dawladnimadooda dhistay, qarankoodana ku filan inay ilaashadaan”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

warancade1Hargeysa (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin culus u dirtay maamulka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha halkaasi Xasan Sheekh uu qorshaha doorashada dalkiisa ku darsaday gobollo ka mid ah Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu ku magacaabay guddi ka kooban 22 xubnood oo ka shaqayn doona doorasho la-mood la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya sannadkan 2016, isagoo guddidaas ku daray xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, halka uu sidoo kale liiska guddidaas ku daray shaqsiyaad u dhashay maamul-goboleedka Puntland oo uu tilmaamay inay Sool iyo Sanaag ku jiraan, iyadoo la ogyahay in juquraafi ahaan yihiin dhul ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Hasa yeeshee, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa digniin u diray Madaxweynaha maamulka Muqdisho oo uu ku tilmaamay inuu riyoonayo, isagoo xusay in wixii dhibaato ah ee ka yimaad qorshihiisa uu wato uu masuul ka noqon doono.
“Annigu waxaan leeyahay ‘iska hadlow Xasan Sheekh,’ hadduu Xasan Sheekh nidaam ama doorasho samaynayo meesha uu madaxda ka yahay ee Muqdisho ayuu ka samayn lahaa. Somaliland hore ayey uga go’day Soomaaliya, maantana waxba kama dhexeeyaan, dalkani wuxuu leeyahay xuduud caalami ah oo ah xuduudihii ay dhigeen dalalka quwadaha adduunka ahi sannadkii 1884, cid ku soo xad-gudbi kartaana haba yaraatee ma jirto. Hadalkaana waxaannan u arkaa uun mid caal-waa ah,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey, “Waxaannan u arkaa hadduu sidaa u fikirayo waxay bilow u tahay in Geeska Afrika dagaallo cusub iyo dhib cusub oo aanay dadku qaadi karayn amma aanay caalamku u baahnayn uu ka wado, taana waxaannu markhaati uga dhigaynaa caalamka in wixii halkaa ka yimaada ee dhib ah uu isagu masuul ka yahay, annagu waxaannu nahay dal isku kalsoon oo dawladnimadooda dhistay, qarankoodana ku filan inay ilaashadaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.