Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba joojisay wadashaqayntii  Qaramada Midoobay  hay’addaheeda ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale joojisay mashaariicdii ay hay’addahaasi ka wadeen gudaha Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto ku taariikhaysan 25 Oct 2020, isla markaana lagu socodsiiyay dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay, iyadoo nuqul qoraalka digiinta ah ee Wareegtada la siiyay Xafiiska Xidhiidhiyaha Isuduwaha deganaanshaha ee Qaramada Midoobay (United Nations Resident Coordinator Office (UNRCO).

Nuqul ka mid ah wareegtadaa oo  ay heshay Shebekaddaha  Araweelo News Network, waxaa ku saxeexanaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi), wuxuuna ku yidhi qoraalkaa oo Wasiirku sidoo kale koobiyo loo diray Agaasimaha Xidhiidhka ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Wasiir ku xigeenka.

Wasiir Xassan Gaafaadhi, ayaa ku sheegay Waeeegtada in la joojiyay gebi ahaanba hawlihii ay Hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen Somaliland, laga bilaabo taariikhda ay soo baxaday wareegtada ee 25 Oct 2020.

“Wasiirka wasaarada horumarinta iyo qaranka Somaliland oo gudanaya waajibaaddkiisa isku dubaridka howlaha hormarinta iyo howlaha samafalka ee ay Somaliland ka wadaan hawlgalayaasha horumarka waxaan  kula wadaagaynaa  halkan in  lala wadaagayo dhamaan wakiilada UN-ka, in dhamaan doodaha iyo wada tashiga ku saabsan mudada umadaha UN-ka iyo qorshayaasha shaqada la hakin doono ilaa laga helo ogeysiis.

 

Dhammaan noocyada dhacdooyinka ee arrimaha kor ku xusan looma oggola inay dhaqan galaan laga bilaabo maanta 25 Oktoobar 2020.” Ayuu ku yidhi, wareegttada Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafadhi).

 

Wareegtada Wasiirka Qorshaynta, ayaa kusoo beegantay maamlo kaddib markii shirkii gollaha Wasiirada Somaliland ee ugu danbeeyay  oo ahaa mid aan caadi ahayn, kaas oo qasriga Madaxrooyadda Somaliland ka qabsoomay Sat, Oct 17th, 2020, isla markaana xukuumadda Somaliland kaga hadashay mawqifkeeda ku waajahan heshiiska Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Wakiilka khaaska ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan, 15-kii October 2020, kaas oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta ee  (Un sustainable development cooperation framework UNCF), waxayna xukuumadda Somaliland ku tilmaantay qorshahaa inuu yahay mid umuuqda  inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, isla markaana faro-gelin ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

“ Somaliland kama mid aha maamullada Federaalka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiiradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay gollaha Wasiirada Somaliland.

 

 

“Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama waddaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland 17, Oct 2020.

 

Wasaaraddaha ay  khusayseeyaan arrimahasi ayaa la faray inay warbixin qoto-dheer ka keennaan. Sidaa awgeed Wareegtada Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ee ku taariikhaysan 25 Oct, 2020, waxay u muuqataa mid daba socota shirkii golaha Wasiirada Somaliland ee u danbeeyay, isla markaana jawaab u ah heshiiska Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Wakiilka khaaska ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan,  ee 15-kii October 2020.

Balse lama ogga saamaynta arrintan ku yeelanay Somaliland, iyadoo ay soo baxayaan tallaabooyin kale oo ay Xukuumadda Somaliland dhowaan ka qaaday hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalkeeda.

By. Arraale M Jaama Fareelance Journalist and Human rights activist based hargeisa Somaliland

Email: Jaamac132@gmail,com