Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa doonaysa inay xidhiidh dhaw oo xoog badan la yeelato dalka Ruushka oo ah quwadda labaad ee dunida, kaasi oo goobo taariikhi ah ku leh Somaliland.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo ka xog-warramay safar wefti ka socda dalka Ruushka oo uu hoggaaminayey qunsulka Safaaradda uu ku leeyahay dalka Jabuuti Amb. Yury Kourchakov ku yimaadeen Somaliland markii u horraysay muddo ka badan 38 sanno, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland doonayso sidii ay u soo celin lahayd xidhiidhkii hore uga dhaxay jiray Ruushka.
Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Md. Cabdifataax Siciid oo isagu gadh-wadeen u ahaa weftigan, waxa uu socdaalkooda iyo natiijadiisa uga warramay telefishanka Qaranka Somaliland, waxaannu uu yidhi, “Ujeeddada safarki waxa uu daarnaa in xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee innaga dhexeeyey Ruushka aynu soo celino, weftigaasina runtii waxay soo booqdeen meelo badan oo taariikhi ah oo ku yaal magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo ay ka mid yihiin cusbitaalkii Ruushka, xaafaddii la odhan jiray Moscow, dekedda Berbera oo 300 mitir ay dhiseen, madaarka diyaaraha Berbera iyo meelo badan oo saldhigyo ku lahaayeen.
Markaa waxaannu jecelnahay in aannu xoojinno oo soo celinno xidhiidhkaa muddada dheer laga joogo ee Somaliland iyo dalka Ruushka, sidii uu Madaxweynaha Somaliland u sheegay weftiga Somaliland way u furan tahay cid walba oo timaada oo waynu soo dhawaynaynaa, mashaariic iyo maalgashi in la galiyo ayuu dalkeenu u baahanyahay, sannad walba lix kun oo arday ah ayaa sannad walba ka soo baxa jaamacadaha, markaa cid alla ciddii wax nala qaban karaysa diyaar baanu u nahay dawladda ay doonto ha ahaatee.”
Md. Cabdifataax Siciid waxa uu sheegay in weftiga Ruushku ku farxay maalgalinta dekedda Berbera ay galinayso shirkadda DP World oo ay ka qaybgaleen xafladdii maamulkeeda lagula kala wareegay, “Wareejinta dekedda Berbera ee 11-kii bishan weftiga Ruushku way la kulmeen oo booqashadooda iyo xafladdaa dekeddu isku beegmeen, runtii aad bay ugu farxeen arrintaasi oo way soo dhaweeyeen, maadaama maalgalin badan la galinayo Somaliland, iyaguna tusaale ayey u noqotay oo way ku dhiirrigalinaysaa oo in ganacsatoodu maalgashi ka samaystaan Somaliland,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Md. Cabdifataax Siciid Axmed.