maareeyeMuqdisho (ANN)Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa caddaysay mawqifkeeda dhabta ah iyo qorshaha mustaqbalka wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland ee burburay toddobaadkii hore kadib markii lagu kala kacay shirkii ugu danbeeyay ee ergada labada dal oo la filayay inuu ka dhaco Turkiga.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyadu sheegtay inay si ku-meel-gaadh ah u hakisay wadahadalkii Soomaaliya ilaa inta maamulka Muqdisho wax ka qabanayaan tabashooyin caqabad ku ah wadahadalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin in aan ergada Soomaaliya lagu darin xubno asal ahaan ka soo jeeda degaannada Somaliland, iyadoo arrintaasi fashilisay wadahadal labada dhinac uga furmi lahaa dalka Turkiga 3 March 2015.

Hasayeeshee, Qoraal ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay inay Dawladda Federaalka Somalia diyaar u tahay sidii loo sii wadi lahaa wadahadalka Somaliland, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin.
Qoraalka dawladda Somalia oo faahfaahsan, ayaa u qornaa sidan;
“Dowladda Federaalka waxay magaalada Istanbul u dirtay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {(dowaa), ayna xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo. Waxaa nasiib-darro noqotay in waftiga ka socda Somaliland uu ku guuldarraystay in uu soo fadhiisto madasha wadahadalka, isaga oo la soo baxay shuruudo la xidhiidha dadka dhinaca Soomaaliya metali kara. Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeedhiyo cidda ay tahay in ay metasho. Waftiga Dowladda Federaalka oo shirka la yimi niyad-wanaag, Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkan. Dowladda Federaalka iyadoo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fadhiisto. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wefti iyo dhiirrigelinta wadahadalka labada,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, kaasoo qayb ka ah waxqabadka xukuumadda Muqdisho oo toddobaad kasta maalinta Sabtida la soo saaro.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews