Araweelo News Network

Raysalwasaraha Iyo Taliyaha ciidanka Somalia

Muqdisho(ANN)- Dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa soo saartay go’aanno lagu xasilinayo magaalada caasimadda u ah ee Muqdisho oo falal amni-darro hadheeyeen muddooyinkii u dambeeyey.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saaciid (Saacid) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya maalintii Sabtida, ayaa soo saaray go’aamo lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegey qodobada ay isla gaadheen saraakiisha nabad-sugida iyo Wasiirka Amniga inay yihiin go’aanadan soo socda, kuwasoo ay soo jeediyeen Goloha Wasiirrada Soomaaliya si loo dardargaliyo barnaamijka xasilinta ammaanka Muqdisho.

• •Inaan la ogaleyn qof aan ka tirsaneen Ciidanka xooga dalka Soomaaliya inuu ku labisto dharka Tuutaha oo calaamad u ah CXD Soomaaliya.

• In aan hub ama Qori lagu dhex qaadan karin magaalada marka laga reebo ciidanka xasilinta ammaanka Muqdisho.

• Gaadiidka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa lagu amray inay qaataan caddeynta dhaqdhaqaaqa Gaadiidka, si loo ogaado inuu baabuurkaasi shaqo u socdo.

• In aan Cid loogu tudhin Howlgalada Xasilinta Caasimadda iyo Hub ka dhigista ciddii ka hor timaadana tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaadayo.

• In la banneeyo, lagana baxo guryaha ay leeyihiin Ciidammada Xooga dalka ee ku yaalla Muqdish, wixii ka dambeeya 1 July, Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidammada xooga Soomaaliya

Taliyha ciidanka Soomaaliya ayaa codsady in si dhakhso ah loo dhaqangaliyo qodobadan si loo sugo amniga dalka iyo kan magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu ciidankiisa ugu baaqay iney ku dhaqmaan go’aanada la soo saaray, lana shaqeeyaan ciidanka xasilinta ammaanka Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegey inay diyaarinayaan ciidan gaara oo ka shaqeenaya m madaxda dalka, kuwaasoo laga diiwaangalin doono xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana loo samayn doonaa aqoonsi iyo Tuute u gaara, balse waxuu mas’uuliyiinta dalka u sheegey inay furi doonaan xafiis uu talisku u mgacaabi doono ilaaladooda gaarka ah si loola socdo dhaq dhaqaaqooda, loona siiyo aqoonsi ay ku maraan magaalada inta laga sameynayo ciidanka ilaalada madaxda ee SPU.
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ah Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ay Muqdisho ku noqon laheyd magaalo lagu faano, dadka joogana ay u heli lahaayeen nabad iyo nolol, isagoona caddeeyey inay madaxdu ka mideysan yihiin in si dhakhso ah loo sugo amniga dalka iyo kan Caasimadda. Wuxuuna ciidanka ku howlan xasilinta ammaanka Muqdhisho kula dardaarmey inay si naxariis leh ula dhaqmaan shacabka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa sheegey in qorshahan uu yahay mid lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho, laguna xasilinayo amniga, waxuunna intaasi ku daray inay go’aan kan gaadheen Goloha Wasiirrada Soomaaliya. Sidoo kalena wuxuu tilmaamay inaan saddex bilood ka dib caasimada Muqdisho lagu arki doonin qof ku dhex maraya hub bilaa sharci ah.