Araweelo News Network

Amiir SalmanHargeysa (ANN)Dawladda Sucuudiga, ayaa dhaqaale ku bixisay dhismaha tayeynta Laanta Socdaalka iyo Ciidanka Xeebaha Somaliland si ay ugu adeegaan dadka qaxoontiga ah ee ka soo yaacaya dagaallada Yemen.
Hay’ad gargaarka u qaabilsan Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan oo magaceeda la yidhaa KS-Relief, ayaa bixisay dhaqaale kor loogu qaadayo awoodda xafiisyada iyo aqoonta saraakiisha Ciidamada Laanta Socdaalka iyo kuwa Ilaalada Xeebaha Somaliland si ay qaabilaad wanaagsan iyo taakulayn ugu fidiyaan qaxoontiga Yemen ee imanaya Somaliland.
Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM oo la soo mariyey dhaqaalahan Sucuudigu bixiyey, ayaa war ay ku baahisay bogga ay ku leedahay Internetka ku sheegtay in ay bilaabeen 22-kii bishan October tababar soconaya siddeed maalmood oo ay ka qaybgalayaan 30 sarkaal oo ka kala socda Laanta Socdaalka iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, kaas oo qayb ka ah qorshahan lagu awoodaynayo hay’adaha Somaliland.
IOM waxay sheegtay in saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee ka qaybgalaya tababarkan laga soo kala xulay saldhigyada ay ku kala leeyihiin Saylac, Hargeysa, Maydh iyo Berbera, halka kuwa Laanta Socdaalku ka kala yimaadeen Hargeysa iyo Berbera, iyadoo sidoo kalena ay qayb ka yihiin tababarka masuuliyiin ay ka mid yihiin Maayarka Berbera, Taliyaha Laanta Socdaalka ee Berbera iyo Ku-xigeenka Badhasaabka Saaxil, kuwaas oo la siinayo culuun la xidhiidha ilaalinta, wacyigelinta iyo kaydinta xogta qaxoontiga reer Yemen, dadka Soomaalida ah ee ka soo noqonaya Yemen.
Waxa kaloo ay hay’addu xustay in marka tababarkani dhammaado ay IOM ugu deeqi doonto xafiis iyo qalabka isgaadhsiinta oo laga hirgeliyo xarunta Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ku leeyihiin magaalada Berbera.
“Saraakiil badan oo Ilaalada Xeebaha iyo Socdaalka ah meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa lagu tababaray shaqadan, iyadoo dhaqaale xadidan la siinayo dawladda si ay u sii wado horumarinta xirfadda. Mucaawada ka timi KS-Relief waa mid muhiim u ah xaqiijinta in qoysaska jilicsan ee ka soo qaxaya Yemen loola dhaqmo si sharaf iyo bani’aadanimo ah.” sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan IOM oo magaciisa la yidhaa Gerard Waite.
Warkan waxa lagu sheegay in taageeradan lagu horumariyo Somaliland uu qayb ka yahay mashruuc uu ku baxayo dhaqaale xaddigiisu dhan yahay 10 milyan oo dollar oo lagu wado inay ka faa’iidaystaan dad gaadhaya 20,000 qof oo ka soo qaxaya dagaallada Yemen.