Suldaan Abiibakar WabarWarbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Boorrama(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay koox ka mid ah guddi uu samaystay Suldaan Abubakar Cilmi oo ku magacdheer Waber oo mudooyinkii u danbeeyay mucaarad hubaysan ka yagleelay Buuraleyda deegaanka Gobolka Awdal ee dhinaca xadka Ethiopia.
Lix ka mid ah 40 xubnood oo ah guddi uu samaystay Suldaan Wabar, ayaa xabsiga loo taxaabay maanta. Kadib markii saakal waaberigii dablay hubaysan xarunta gobolka Awdal ee Boorama ka afduubeen gaadhi ay lahayd Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo u shaqaynayay Kastamka Cashuuraha.
Dablayda, ayaa gaadhiga ka kaxaystay barxad Huteel ku yaal badhtamaha Magaalada Boorama, waxayna ku qafaasheen wadihii gaadhiga oo ahaa Jamaal Cawado, kaas oo ay soo daayeen markii gaadheen deegaanka Lawi-lakaal oo qiyaastii 12km dhinaca galbeedka kaga beegan Boorama, isla markaana u jira xadka Ethiopia 8km.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay Ila wareedyo kala duwan iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka Boorama, kuwaas oo sheegay in xukuumaddu arrintaa jawaab uga dhigtay in xabsiga la dhigo Lix ka mid ah afartanayeeno guddi ah oo uu samaystay Suldaan Waber, kuwaas oo 11 ka mid ah ay dalka ku sugan yihiin.
Xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah kasoo saarin arrintaa, waxayna wararka qaar sheegayaan in Ciidammada Qaranka oo doonayay inay gaadhigaa ka daba tagaan laga hor istaagay, isla markaana la hakiyay, iyagoo doonayay inay galaan xadka Somaliland la wadaagto Ethiopia si ay usoo qabtaan gaadhiga kooxda dablayda ah la gashay gudaha Ethiopia.
Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali saleebaan (Ramaax) oo aanu isku daynay inaan arrimaha wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin. Kadib markii uu ka jawaabi waayay marar baddan oo aanu kula xidhiidhnay sigaadhsiinta. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxaamed Warancade oo aanu marar kala duwan isku daynay inaanu dhacdooyinkaa kasoo cusboonaaday gobolka Awdal wax ka weydiino, ayaanay noo suurta gelin.
Suldaan Abubakar Cilmi Waber, ayaa badhtamihihii sanadkii ina dhaafay si cad u sheegay inuu dagaal kala hortegayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu sabab u dhigay dulmi iyo tabashooyin is biirsaday oo wax garawshiiyo ah ka waayay hoggaanka dalka.

‘Hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa narar baddan ku cel celisay in Suldaanka maadaama uu yahay Madaxdhaqameed looga baahanyahay haddii uu wax tabanayo inuu ku raadiyo afkiisa iyo adinkiisa, balse aanu hub la gelin Buuraleyda, isla markaana xiligan Somaliland dhaaftay naalintii looga biqi lahaa qof iyo laba buurgalay oo ku doodaya inay dagaal wax ku doonayaan.
Suldaan Waber oo dhinaca qurbaha kaga yimi Somaliland, isla markaana ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Awdal, ayaa dhowaan kasoo laabtay safar uu dhinaca qurbaha ku marayay, waxaana safarkiisa lala xidhiidhiyay inuu ahaa olole uu taageero dhaqaale iyo hub ugu raadinayay dagaalka uu hore u iclaamiyay ee ku waajahan Somaliland, waxayna tallaabada kooxdiisu qaadeen ee afduubka gaadhiga dawlada kusoo beegantay maalmo ka dib markii uu kusoo laabtay dalka, isagoo dhaqaale baddan dhinaca qurbaha kala soo laabtay.
Dhinaca kale Dawlada Ethiopia, ayaa hore u sheegtay in Suldaan Waber ay u arkaan Oday dhaqameed, isla markaana aanay la socon wax jabhad ah oo uu ka wado gudaha dalka Ethiopia, balse tallaabadan ayaa nqotay mid uu Suldaan Waber ku beeniyay dhawaaqa Ethiopia ay hore ugu sheegtay in aanu ahayn mid cadaw ku ah amaanka Somaliland iyo ka mandaqadaba.
Si kastaba ha haatee waxa xukuumadda Somaliland looga baahanyahay in waajahdo qorshe iyo siyaasad cad oo ku waajahan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Awdal, taas oo horseedi karta dhibaatooyin sii xoogaysta iyo qorshayaal lagu wiiqayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo dheg-xumo ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana saamayn ku yeelan karta amaanka Somaliland iyo amaanka guud ahaan mandaqada.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews