Hargeysa(ANN)- Guddomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xaaladda dalku marayso meel adag marka la eego nollosha iyo xagga shaqo la’aanta, sidaa awgeed Bulshada Somaliland u baahantahay horumar iyo in loo raadiyo citiraaf.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in ay Bulshada ka xaal siinayaan khilaafkii oo uu sheegay inay hadda aqbaleen inay Labada Xisbi Mucaarad la kulmaan Madaxweynaha, isla markana ay ajiibeen gogoshii Madaxweyne Muuse Biixi u fidiyay badhatmihii Desember.

“Madaxweynuhu waakii Gogol noo fidiyay 14 Desember, waanagii nidhi la kulmi mayno, waakii ki celiyay Madaxweynuhu gogoshii, waxaan idiin sheegayaa inaanu oggolaanay gogoshii, waaanu doonaynaa in aanu Madaxweynaha la kulano, kalna hadalo sidii go’aanka la gaadhay ee aanu aqbalay sidii loo hirgelin lahaa.” ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay garabtaagan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo saraakiil labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI, ka tirsan.


Guddoomiye, Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay inay Shacbiga Somaliland ka xaal siinayaan murankii dhacay, isagoo sheegay in aanay shacbigu geyin in laysku dulqabsado oo dushooda laysku meeraysto, wuxuu sheegay in shacabku geyaan in loo shaqeeyo oo horrumar loo sameeyo oo Citiraaf loo raadiyo.


“Somaliland waxay u baahantahay inay horrumar keento, inay shaqo abuurto ayay u baahantahay, waad ogtihiin dhalinyaradeeni niyad-jab weyn ayaa ku dhacay, Xamar ayay ku dewersadaan intay gashadaan Calankii Soomaaliya ee ina garaacay naftaana u geysay, waxa ka xumaatay niyadii, shacbigana waa ogtihiin 80%, wax laguma kariyo. dhaqaalihii hoos ayuu u dhacay meheradihii way kacaeen, wuxuuna wadanku ku fiicanyahay in mucaarad iyo muxaafidba danta guud laga wada shaqeeyo.” ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe.