dhalinyarada a dhaqan celiyayHargeysa (ANN) Dhallinyaro sharciga khilaaftay oo muddo 6 bilood ah Wasaaradda Caddaaladdu dhaqan-celin iyo dib-u-bulshayn u samaynaysay, ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin ka turjumaya duruusta iyo aqoonta ay barteen muddadaas.
Dhallinyaradan oo tiradoodu dhan tahay 70, ayaa badankoodu ahaayeen qaar sharciga khilaafay oo hore u galay xabsiyada iyo saldhigyada Hargeysa, kuwaasoo ururintooda ay ka qaybqaateen Wasaaradda Caddaaladda iyo Guddiyada Nabadgelyada Degmooyinka Hargeysa.
Xafladda xidhitaanka mashruuca dhallinyarada dhaqan-celinta loogu samaynayey muddada lixda bilood ah oo lagu qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta ugu sarraysa Caddaaladda, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Cali Siciid Raygal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Masuuliyiinta Somaliland u fadhida hay’adda UNDP, Agaasimaha Dalladda Dhallinyarada Sonyo, ururka Negaad iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland. Khadar Axmed Diiriye, ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida wanaagsan ee ay noloshooda dib ugu habaynta ugu sameeyaan, una ogolaadeen in ay waxbartaan, waxaannu ku boorriyey in ay dhallinyarada kale ee rabshada ku jirta wax waaniyaan.
Marwo Raaqiya Axmed oo ahayd Agaasimaha Waaxda dib-u-habaynta carruurtan, ayaa tilmaantay in muddada lixda bilood ah ee ay ubadkan waxbarayeen ay aragtay in ay isbeddel weyn sameeyeen, iyadoo ku dhiirigelisay in ay hayaanka aqoonta halkaas ka sii wadaan.
Madaxa Hay’adda UNDP Mr. Stephen, ayaa sheegay in mashruucan ujeeddadiisu ahaa in dhallinyarada wax loogu qabto, waxaannu ka dhawaajiyey in da’ yartu aanay ahayn kuwa dhibaatada bilaaba, balse ay wax tabayaan, taasina ay ku keento in ay nolosha ka dhacaan, waxaannu yidhi; “Dhallinyaradu maaha kuwa rabshada abuura, balse waxa keena in ay sharciga khilafaan waxa ay waayeen waxay doonayeen oo la siin waayey. Mashruucana waa mid guulaystay.”
Sidoo kale, masuuliyiin hay’adda UNDP ka socday oo mashruucan madax ka ah, ayaa sheegay in taageerada mashruucan ay sii wadi doonaan, isla markaana ay sii horumarin doonaan si da’yarta Somaliland uga faa’iidaysato, iyagoo degaannada kale ee Soomaalidu degtana u gaadhsiin doona
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa dhallinyarada muddadaas dib-u-habaynta xagga nolosha ah loo waday ku boorriyey in ay bulshada kula noqdaan waxay barteen, dibna aanay ugu laaban dhibaatooyinkii laga soo saaray, waxaannu yidhi; “Xabsigu maaha meel ciqaab ah ee waa meel dhaqan-celin, waxaana mashaariicda noocan ah ka faa’iidaysta dhallinyarada gasha dambiyada oo mustaqbalkooda lagu dhisaa.”
Wasiirka Caddaaladda Somaliland. Xuseen Axmed Caydiid oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in mashruuca dhaqan-celinta da’yarta sharciga khilaafta yahay mid hordhac u ah nidaamka sii-daynta shuruudaysan oo dalka laga hirgelin doono, kaasoo fursad u noqon doona dhallinyarada, isagoo ka dhawaajiyey in la wado xarun loogu talagalay in lagu dhaqan-celiyo da’yarta sharciga khilaafta ee nidaamka siidaynta shuruudaysan lagu dabakho.
“Mashruucan ujeeddadiisu waxay ahayd in dib-u-bulshayn iyo dhaqan-celin lagu sameeyo dhallinyarada khilaafta sharciga amma xabsiyada gashay, waxaannu ahaa tijaabo. Waxa kale oo ujeeddadiisa ka mid ah in shaqaalaha lagu tababaro nidaamka sii-daynta shuruudaysan oo Xeerka Xabsiyadu jidaynayo oo dalka laga bilaabay,” ayuu yidhi. Xuseen Axmed Caydiid.
Waxa halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey shaqaalaha, macallimiinta iyo ardayda muddada lixda bilood ah mashruucan u socday ee ka faa’iidaystay, dib-u-habayntana lagu sameeyey.
Waxa mashruucan hirgelinayey Wasaaradda Caddaalada oo taageero ka helaysa hay’adda Qarammada Midoobay ee UNDP oo dakhliga ku baxaya ka soo qaaday dawladda Norway ee qaaradda Yurub.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com