Hambalyo madaxweyne Siilaanyo u diray maalinta qarannimada ee dalka Qatar oo lagu khalday waddanka Imaaraadka Carabta

Hargeysa (ANN)Dhambaal khaladaad fool-xun ku jiraan oo loogu tallogalay hambalyo madaxweyne Axmed Siilaanyo u diray dawladda Qatar, ayaa laga soo saaray xafiiska afhayeenka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland shalay.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo dadweynaha dalka Qatar oo maalinta qarannimadooda u dabaaldagay shalay, taasoo salka ku haysa sannad-guuradooda 43aad ee ka soo wareegtay markii ay xoriyadda ka qaateen dalka Ingiriska sannadkii 1971, isla markaana la xuso 18 December sannad kasta.
Hasayeeshee, warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenkooda Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa ka muuqda khaladaad foolxun oo ceeb diblomaasiyadeed ku ah dawladnimada Somaliland iyo xidhiidhkeeda caalamiga ah, khalad kaasoo ah in madaxtooyadu isku isku dartay dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo labada dal kala ah, iyadoo dhambaalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo hambalyo u dirayo amiirka Qatar iyo shacabkiisa oo lagu khalday inay yihiin kuwa Imaaraadka Carabta.
Dhambaalka ceebta xambaarsan, isla markaana khaladaad dhinaca qoraalka ah ka muuqdaan, waxa uu u qoran yahay sidan;
DHAMBAAL HAMBALYO MADAXWEYNE
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka Qatar, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada QATAR awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Sida muuqata, dhambaalka uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada, waxa muuqda khaladaad badan oo dhinaca qoraalka, iyadoo eray kasta lagu bilaabay xafar weyn oo aan munaasib ku ahayn, waxa kaloo kun jira madmadaw dhinaca hab-dhigaalka saxda ah ee kelmadaha afsoomaaliga, halka aan si cad loo fahmayn qaybta ugu dambaysa dhambaalka ka soo baxay madaxtooyada, gaar ahaan kelmada laynku hoos marsan yahay oo u qoran; ‘Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa.’
Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, ayaa qoraalka khaldan oo ay soo saareen abaaro saacad kadib mar kale saxaafadda u soo diray dhambaal kale oo ay ku sheegeen inuu yahay ka saxda ah ee madaxweyne Siilaanyo u dirayo dalka Qatar, kaasoo sidoo kale khaladaad dhinaca Afsoomaaliga ah ku ku jiro, sixidna aan lagu samayn kelmada qoraalka horena la socota ee Dawlda, ayaa u qornaa sidan;
DHAMBAAL HAMBALYO MADAXWEYNE
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka Qatar, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada QATAR awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Dalka Qatar oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Hasayeeshee, saxaadda oo dhan, gaar ahaan shabakadaha wararku waxay qaateen, faafiyeena dhambaalka hore ee ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo isku khaldaya dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta, arrintaasoo fool-xumo siyaasadeed iyo weji-gabax diblomaasiyadeed ku ah waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, una baahan in sixid iyo raaligelin laga bixiyo.
Waxa waajib qaran ah in mar kasta la hubiyo, dib-u-akhrisna lagu sameeyo dhambaalada madaxtooyada Somaliland u dirto dalalka la saaxiibka ah ka hor inta aan la baahin si looga fogaado khaladka hadda dhacay oo kale.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com