jimale mohamed omar

Britain(ANN)Dhaqanxumadii ugu fooshaxumayd ee tiro koox dhalinyaro Soomaali ah iyo xadgudubyadii loo geysto Hablo Soomaaliyeed oo aan qaangaadh ahayn, ayaa ka dhacday Magaalada Bristol City Center ee cariga Ingiriiska. Kadib markii Maxkamad ku taal halkaa xukuno kala duwan ku fulisay 13 dhalinyaro Wiilaal Soomaaliyeed oo ka mid ah Bulshada Soomalida ee degan Bristol.

Idaacadda BBC qeybteeda lagu daabaco luqada English-ka, ayaa boggeeda dhinaca Internetka ku daabacday in 13 dhalinyaro Soomaali ah lagu xukumay xadhig la xidhiidha dambiyada galmada Caruurta.
Kooxda dhalinyarada ah ayaa lagu helay in ay ku lug leeyihiin xadgudubyo isugu jira, kufsi iyo in khasab lagaga dhigay gabdho aan qaangaadh ahayn oo ka yar 18 sanadood, waxayna Maxkamadda Bristol oo dacwadaa qaaday dhageysatey gabadh ka mid dhibanayaasha, taas oo da’deedu tahay 16, isla markaana ku warantay in ay soo weerareen 5 nin oo Soomaali ah, iyadoo waqtigaa sida ay sheegtay ay ku cusbayd magaalada Bristol oo ay soo degtay.
Sidoo waxay gabadhaa yar sheegtay in Walaasheed oo ka yar, isla markaana da’deedu tahay 14- jir ay kooxdaa dhalinyaradda ah kufsadeen xilli ay booqasho ugu timi, waxayna sidaa ka sheegtay Maxkamadda horteeda.
Dhegeysiga dacwada, ayaa sababay in Ciidamada Boolisku kashifan kooxo budhcad ah oo kale, kuwaas oo xadgudubyo u geystay Afar gabdhood oo kale.
Dhalinyaraddaa oo ahaa Afar Wiil, aya gabdhaha yar yar siiyay midiiba lacag dhan £ 30, Hadyaddo iyo sidoo kale Mukhaadaraat isugu jira khamri iyo waxyaabo kale, taas oo ay uga jeedeen in ay gabdhaha yaryar ee aan garaadkoodu ku filayn u aqbalaan in ay jidhkooda ka iibiyaan rag waaweyn oo Somali ah’ sida ku xussan warbixintan dacwada maxkamadu dhageysatay ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysigan ku oggaatey in kooxahan Gang-ka ah ee Soomaalida iyo ajaanibta isugu jira ay gabdhahan u geyn jireen kooxo kale oo gang ah, iyagoo u fasaxaya in ay la galmoon karaan, una sheegaya in arrintani ay tahay dhaqanka Soomaalida oo nimanku ay wadaagi karaan gabdhaha ay saaxiibada la yihiin si ay galmo ula sameeyeen si wadaag ah.
Mid ka mid ah Gabdhaha dhibbanayaasha ah oo 13 jir ah ayaa sheegtay in la kufsadey 4 jeer, isla markaana seddex nin oo kala duwan ay u galmoodeen, waxayna arrintani ka dhacday Bristol City Center.
Warbixinta lagu daabacay Bogga BBC-da, ayaa murugo iyo naxdin ku abuurtay Mujtamaca Soomalida iyo dadyowga kale ee helay warbixintaa oo ah mid dhaqanxumo ah, isla markaana ay kooxda dhalinyaradda ah kaga beensheegayaan dhaqanka Bulshuda Soomaalida ee Muslinka ah, waxayna dhacdooyinka warbixintaasi xanbaarsantahay muujisay dhaqamada xun xun ee kusoo kordhay Bulshada Soomalida eek u baahay qaaradaha dunida, kuwaas oo aan wax baddan lagala socon in ay jiraan dhalinyaro kale oo sidan oo kale faraha kula jira dhaqamo xun xun iyo gabood-falo loo geysto hablaha yar yar ee Soomaalida, kuwaas humaagga beenta ah iyo dhalanteeda ay u fahmeen xoriyadda uga talaabay dhaqankoodii, isla markaana ay luntay kala danbayntii iyo maamulkii qoysaskoodu.

Magacyada 13-ka dhlainyaradda ah, Denbiyada lagu helay, da’dooda iyo Xukunadda lagu riday, ayaa u dhacay sidan:-
Mustapha Farah 21 jirah, Liban Abdi jir 22 iyo Arafat Osman 20 jir ah, ayaa mid kasta oo lagu xakumay 13 sannadood oo xabsi ah iyo weliba bixinta kharashka Adeegyada galmada ee ilmaha iyo Iibinta mukhaadaraadka ee derejada Class A.
Abdulahi Aden oo 20jir ah, ayaa lagu xakumay 13 sano xabsi ah, waxaana lagu helay kufsi iyo Iibinta mukhaadaraadka Class A.
Mustafa Diiriye oo 22 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah Kufsi, waxaana lagu xukumay sannado 7 sannadood iyo badh.
Idleh Osman oo 22 jir ah, ayaa lagu xakumay 10 sannadood oo xabsi ah, waxaana lagu helay denbiga ah fududaynta Caruurta jirkooda laga ganacsado iyo Iibinta mukhaadaraatka ee derejada Class A.

Sakariah Sheekh oo 21 jir ah, Abdirashid Abdulahi oo 21 jir ah iyo Jusuf Abdirizak oo 20 jir ah, ayaa lagu helay dambiga Kufsiga. Sidoo kale Mohamed Dahir oo 22 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah inuu gabdhaha yaryar ka dhigi jiray dhillooyin jidhkooda iibsada, Omar Jumcaale oo 20 jir ah, ayaa lagu helay dambi ah inuu ilmo yar la galmooday, halka Said Zakaria 22 jir ah lagu helay dambi ah kufsi iyo galmo ilmayar, iyadoo sidoo kale Mohamed Jumcaale 24 jir ah lagu helay danbi ah in uu galmo la sameeyay ilmayar, kuwaas oo xukuno kala duwan lagu riday.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com