Araweelo News Network

Xamza Sheekh Osama Bin Laden

Xamza Sheekh Osama Bin Laden


Kabul(ANN)Xamza Sheekh Osama Bin Laden oo ah cudurka hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda ayaa jeediyay dhawaaq cusub oo hanjabaad ah, kaasoo ka dhan ah dowladda Mareykanka.

Mu’asasada Al-saxaab garabka warbaahineed ee Al Qaacidda ayaa baahisay cod maqal ah oo lagasoo duubay Inanka Bin Laden oo la rumeysanyahay in uu ku sugan yahay Dalka Afghanistan.

Xamza Osama ayaa Mareykanka ku eedeeyay in Xasuuq daran uu ku hayo dadka muslimiinta, islamarkaana uu dhaqaale iyo melleteri ku bixinayo sii haysashada Yahuudda ee dhulalka Filasdiin sida Magaalada Al-qudus ee uu ku yaal masjidka barakeysan ee Al-aqsaa.

Ina Bin Laden ayaa Ururada Jihaadiga ah ee hoos taga Ururka Al Qaacidda ugu baaqay in ay sare uqaadaan beegsiga danaha Mareykanka.

Xamza Osama Bin laden ayaa Brack Obama ugu hanjabay in dhiigga aabihii Sheekh Osama aanu dayacmi doonin oo America ay eedi doonto.

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay hanjabaada kasoo yeedhay wiilka Bin Laden, waxayna sheegtay in aanay wax weyn u dhimayn amniga mareykanka, islamarkaana ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Alqaacidda iyo dhammaan jamaacaadka Jihaadiga ah ee dunida ku filqan.