Araweelo News Network

Warbixin: By. Carraale M jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

US President Donald Trump (Photo by AFP)

Hargeysa(ANN()-Madaxweynaha Maraykanka  Mr. Trump,  ayaa diiday in laga mamnuuco shacbiga Maraykanka inay qaataan Hubka oo ay guryahooda ku haystaan, Isaga oo ka hadlayay shirka Magaalada Dallas ka socda  ee arrimaha Hubka, wuxuu  ku  dooday inay tahay xuquuqda dadka ay u leeyihiin in ay hubka  heystaan si ay isu difaacaan haddii lasoo weeraro.

Trump wax weyn kama  soo qaadin dhibaatada uu hubka ku hayo Maraykanka,  wuxuuna sheegay in uunu u dhegaha u furi doonin baaqyada loo jeedinayo  ee ah in uu xakameeyo hubka, wuxuuna taa bedelkeeda ku dooday  in dambiyada Toorayda lagu geysto ee London ay ka dhigeen Cusbitaalada London  kuwo ku  yaala furin dagaal oo kale, isagoo tusaale usoo qaatay Afar Cusbitaal oo ku yaal London oo uu sheegay inay u  muuqdeen kuow la dhigay Askar dhaawac ah oo ku yaal furin dagaal oo Afghanistan ku taala.

.

“Dhowaan  waxaan akhriyay sheeko ku saabsan in London ay leedahay sharci adag oo aan la rumeysan karin oo ku saabsan hubka, kadiba waxaa dhacday in Cusbitaal ahaan jiray ka ugu wanaagsan oo badhtamaha  London ku yaala uu isu bedelay sidii furin dagaal oo kale dhaawacyada la keenayo ee mindida Toorayda” ayuu yidhi Trump.

“Qoryo ma heystaan, balse waxa ay helayaan Tooreeyo, mindiyo, dhiig ayaa qubanaya Cusbitaalka gudihiisa, waxaa la sheegay in uu u ekaaday Cusbitaal ciidan dagaal ku jira oo kale, Toori, Toori, Toori” ayuu yidhi isaga oo gacanta ku tilmaamaya ficilka Toorayda  marka ay qofka ku dhacayso, ayuu yidhi, Ttrump oo la hadlayay ururka qaran ee Hubka Maraykanka oo u ololeeya dadka hubka heysta.

Dhacdada Trump,  oo ah Madaxweynaha Maraykanka, isla markaana Hoggaamiya dawlad ka mid ah kuwa  sheegta inay yihiin kuwa ugu awooda badan dunida maanta, wuxuu Toorayda  ka saaray Hubka, balse wuxuu qiray in ay wax disho, waxaana dhacdadan Abwaan Xaaji Aadan ku dhowaad 50 sanadood ka hor kaga hadlay Ninka Toorayda haysta iyo Sawaariikhda haysta sida ay kala yihiin.

Gabaygan Xaaji Aadan Afqalooc,  waxa  uu Tiriyay Todobaatanadii, isagoo  kaga hadlayaa siday dunidu u socoto, iyadoo xiligaa Abwaanku Gabayga Tiriyay marka loo eego maanta muujinayo dhibaatooyinka  maanta dunida ka jira oo xiligaa uu a hadlay lagu tilmaami karo inay ahayd xili nabdoon oo aanay jirin colaadaha maanta dunida isaga gudbay iyo Hubka casriga ah ee gantaalaha isaga gudba qaaradaa.

Alleh ha u naxariistee Abwaan Xaaji Aadan, wuxuu  Gabaygiisu u muuqdaa mid maanta Jawaab u ah Madaxweynaha Maraykanka Trump oo mar uu ka hadlay Hubka ay haystaa dadka Maraykanku oo dastuurku u ogolaaday, tusaale usoo qaatay dalalka aan shacbiga loo ogolayn inay hub qaatan sida Britain, wuxuuna  si toos ah u xusay in Toorayo laysku dilo oo Cusbitaalada London ay taasi u ekaysiisay dhakhtar ku yaal goob dagaal.

Gabayga Xaaji Aadan Afqalooc oo ahaa halgamaa wadani ah, wxuuu xiligaa  kaga hadlayaa wax-wada qabsiga, isku tiirsanaanta iyo sida Bulshooyinka dunidu u kala maarmi Karin, isla markaana ay ummadaha addunyadu, wuxuuna Abwaanku  si buuxda oo tifaftiran  u mujinayaa in dhibaatooyinka maanta ka taagan nolosha dunida dhinac kasta kaga  iftiiminayaa in ummadaha dunidu u baahan yihiin mid hodan ah iyo mid sabool ahba in ay iskaashadaan oo wax-wada qabsi iyo tixgelin sameeyeen, halkii ay colaado, dagaalo iyo Hub Urursi tacabkooda gelin lahaayeen, si loo abuuro nolol ku dhisan sinnaan, caddaalad xasilloonaan iyo barwaaqo.

* Dubkaa kala taggane haybta, waysugu tegeynaaye

* Cilmi maaha kaa tamar badniyo, tiir biraan ahaye,

* Ninba tiisu waa dhimantahoo, toogo beel ma leh’e

* Tabantaabo lays caawiyaa, waa tu waajib ah’e

* Dhibtu waxay ka timid uumiyaha, tirada weyn gaadhay

* Tisciin gaajo laysaa jiroo, toban dhergaayaaye

* Kuwaasoo wuxuun lagu taray, tahay Aqoontiiye

* Mar haddii cadliga laga tagoo, laystixgelin waayo

* Inay nabaddu taam noqoto waa, tu aan la eegeyne

* Sawaariikh nin taabiyo ninkii, Toori bira haysta

* Ninba tuu awoodaba Dil, waysugu tagaayaane

* Naftu waa tu qurdha oo ma jiro, taajir hadhayaaye

* Tusbax weeye gees laga furoo, tuug iswada raacye

* Gantaalaha tamuumiyo suntaa, tuurista u dhow e,

* Haydro-ji jiintaa ku tuman tacabkii iinsaane

* Taariikhda weyn iyo cilmaa, taa ku baabi’iye

* Marka ay xaddaaradii tagtee, Taangii ku cayaaro

* Ee boqolka tobankii hadhaa, tuna awood waayo

* Taah iyo mugdaa lagu dambayn, tii la soo maraye.

* Sharkaa taabba-geli khayrna waa taalla kaarahaye,

* Xil ma taabin nimankii waqtigan, taabka buuxsadaye

* Ummaddii timaadaba waatay, nacdalayaane

* Allow yaa dhib waxa loo tabcaday sama ku taageera.