xabsiga dhexe hargeysaHargeysa(ANN)Xukuumaddan Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay si degdeg ah u fulinayso xukunnada dilka ah ee maxkamaduhu ku rideen dadka dambiyada galay, kuwaas oo aan la fulin dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay, isla markaana sababtay inay xabsiyadu buuxsamaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Amniga Somaliland Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer) oo ka hadlayey shir jaraa’id oo wada qabteen Taliska Booliska, ayaa sheegay in fulinta xukunnada dilka ahi ay qayb ka yihiin qorshe cusub oo ay wax kaga qabanayaan falalka amni-darrada ah ee beryahan dambe ku soo badanaya magaalooyinka Somaliland.
“Waxaan idiin sheegayaa in dhammaan cidkasta oo Qarankan wax ka dishay lagu fulin doono dilkii, tiirarkii toogashadana aannu dhisi doono berri iyo saakadeed. Ninka iminka wax dila waxa la yidhaa kuwii horeba waa la tooganwaayay, laakiin berri baa la bilaabayaa, tiirarkii ka taagnaan jiray Siinay ee dadka lagu toogan jirayna waanu qodaynaa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Amnigu, waxaannu intaa ku daray hadalkiisa, “Waxaannu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland in dib-u-habayn cusub lagu sameeyey qaybta nabadgalyada, cid kastoo nabadgalyada waxyeelaysa haddii ay tahay dhallinyaradan shuftowday, dadka kale ee budhcadda ah, kuwa wax dila iyo cid kastoo cid kale xoog wax kaga haysata hadday dhul tahay, guri iyo wax kale tahayba in dhammaan la fulin doono.”ayuu yidhi Cali Gadh-dheer.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gacan bir ah lagu qabanayo dhallinyarada sameeya falalka amni-darrada ah oo ay hayaan liiskooda, isagoo guud ahaanba u digay dhallinyarada habeenkii la arko in la qaban doono, isla markaana shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan booliska, waxaannu yidhi, “Dadweynuhu waa inay booliska iyo hay’adaha ammaanka u soo sheegaan qoysaska jaarka ah ee carruurtoodu shuftowday ama aan ubadkooda war u hayn, shacabka waxaannu ka codsanaynaa la shaqeeya booliska oo gacan ku siiya sugidda amniga, waxaadna oggaataan Waalidka Caruurtooda qabsan waaya waa la xidhi doonaa oo waxay noqonayaan denbiilayaal ka raali ah waxay caruuurtoodu samaynay.”ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Amniga Somaliland Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-dheer)

Dhawaaqa Xukuumadda ee ay ku shaaciyeen inay fulinayaan xukunada dilalka ah, ayaa yimi xili ay Caasimada Somaliland hadheeyeen falal kooxo dhalinayaro ah oo rabshado wadayaal ah, waxayna xukuumaddu sidoo kale soo saartay go’aankeeda ku waajahan xukunada dilka xili waqtigeedii ay ka hadheen dhawr bilood, iyadoo fulinta xukun dil toogasho ah oo laga fuliyo Somaliland ay ugu danbaysay xiligii Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal, isla markaana wixii ka danabeeyay xiligaa dadkii ay xabsiyada ku jiraan dadka xukunada dilalka ah lagu xukumaa, kuwaas oo Hay’addo caalami ah oo la shaqeeya xabsiyada ku siiyaan lacag, isla markaana Xabsiyada Somaliland waqtigan ay ku xidhan yihiin maxaabiis gaadhay boqolaal oo lagu riday xukuno dilal toogasho ah, waxayna xukunada qisaasta ah ee la joojiyay saamayn ku yeesheen arrimaha dhinaca amniga, iyadoo xabsiyada loo bixiyay Albeerkooyin ay Hay’addahaa oo doonaya in xukunka sharciga toogashada dilka ah Somaliland ka mid noqoto dalalka laga mamnuucay saamayn weyn ku yeesheen fulintooda, taas qaybo baddan oo bulshada ka mid ah u arkaan mid faragelin ah oo ka hor imanay qaanuunka iyo sharciga u yaal Somaliland ee lagu qeexay dastuurkeeda in dilalka loo raacayo sharceeda Islaamka, isla markaana waxay hakinta fulin la’aanta xukunada qisaasta ah noqdeen arrin dhiiri gelinay inay kordhaan dadka denbiyada dilalka ah geystaa.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa sida ay xukuumadda Somaliland ficil ugu bedesho go’aanka ay sheegtay inay ku fulinayso xukunada dilalka iyo kuwa kale ee la xidhiidha dacwadaha dhamaaday ee aan la fulin.

Warbixin.By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com