Hargeysa(ANN)- Bulshada Somaliland, ayaa dhaleecayn ku waajahday war-murtiyeedka ay xukuumadda Dalka Djibouti kasoo saartay wada hadaladii ku dhexmaray dalkeeda wufuudda ka socotay Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo qodobo gaar ah ay ka dhasheen doodo xaasaasiya oo abuuray shaki weyn.

Qodobada sida weyn loogu faaqiday Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaarkeed, waxaa ka hadlay siyaasiyiin, aqoonyahan iyo qaybo kale oo Bulshada ka mid ah, kuwaas oo dhammaantood ka bixiyay sharaxaad sababaha ay u cuskanayaan in ay nuxur ahaan qodobadaasi yihiin kuwo meel ka dhac ku ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, isla markaana siyaasadaysan.

 

“Horta yaa inagu yidhi typing error baa dhacay? waa yaab!. Horta ciyaar fiican ayeey baaska isugu keen celiyeen Qaaxoolgygii iyo siyaasiyiintii Muqdisho”.sidaa waxa bartiisa Facebook ku qoray Jamaal Cali Xuseen.

“Gaadhiga sida loo wado hadaanad aqoonin, sow kolba gidaar ka soo go’imaysid? haday weliba kalsooni daro sii hayso, darawalkaa waa loo yaabaa isaga iyo weliba kuwa uu gaadhiga ku wado. Horta yaa inagu yidhi typing error baa dhacay? waa yaab!. Horta ciyaar fiican ayeey baaska isugu keen celiyeen Qaaxoolgygii iyo siyaasiyiintii Muqdisho. Weligay maan arag shir afar cisho ka dib qodobadiisa dib loo dhigo oo la yidhaa horta aynu xafladeeyno. Waa adigoo xaflad soo dhaweyn ah dhigta adigoon weli helin natiijaddii imtixaanka. Kolkaasaa siyaasiyiintii Muqdisho oo dhami meel kasta ka hadleen oo waftigeenii la amaanay si shacabka loo seexiyo. Ma intaasuunbaa mise weli wax kalaa maqan? Maxaynu rabnay tolow 30 sanadood? Ma lacag? Saleebaan oo oday weyni waxbuu hore inoogu sii sheegay,”ayuu yidhi, Jamaal Cali Xuseen oo qoraalkaa ku cabiraya sida ay wax u dhaceen.

 

Sidoo kale, qaar ka mid ah Bulshada Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay sida ay u qoonsadeen qodobada ku jiray war-murtiyeedka, waxayna sharaxeen sida ay ugu muuqdaan kuwo waxyeelaya qadiyada Somaliland.

 

Halkan Ka daawo qaar ka mid Bulshada oo ka hadlaya aragtidooda war-murtiyeedka.