Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015

Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015

Hargeysa(ANN)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici, ayaa doorashada kadib khudbad kooban oo mahadnaq ah ka jeediyay madashii maanta, wuxuuna isagoo wejgiisa faraxadi ka muuqato yidhi sidan:-

“Faraxad weyn ayay ii tahay, waxaan u mahad celinayaa xubnaha golaha dhexe ee nagu sharfay inaan noqono musharaxiinta xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota, waxaan qabaa in Xisbiga KULMIYE fuliyay balamihii uu shacbiga u qaaday intii badnayd, waxaana maanta halkan ka balanqaadaynaa inaan inta hadhay halkaa kasii wadno” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shrka golaha dhexe u doortay inuu niqdo musharaxa Madaxweyne xigeenka ee shanta sanadood ee danbe.

Mudane Cabdiraxaan Saylici, wuxuu amaanay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, isagoo ku amaanay hoggaamintiisa qaranka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi. “waxaan mar labaad amaanayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo hoggaamiyaha qaranka ah, Aasaasihii Xisbiga Ah, waqtigana ah mus-danbeedka Xisbiga KULMIYE, isla markaana inoo jeexay wado cad oo aynu ku yididiilano, waxaan qabaa Dumuqraadiyadda dhabta ah, waa ta ay soo wadeen Xisbiga KULMIYE, isagoo Mucaarad ah iyo isagoo muxaafid ah maanta oo Madaxweynihii u tanaasulay jiilkii danbe inay sii wadaan shaqadaa, waana ku hanbalyaynayaa Madaxweynaha” ayuu yidhi.

Sidoo kale Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah wasiirka Caafimaadka Somaliland, isla marklaana ahaa musharaxa la tartamayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo natiijada tartankii uu galay, wuxuuna, isagoo wejigiisa aanay farxad baddan ka muuqan yidhi, “waan hanbalyaynayaa Labada musharax ee la doortay, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Xisbiga ee musharaxa Madaxweynaha loo doortay Muuse Biixi Cabdi, waxaanse leeyahay dadkii ii codeeyay waa kuwii doonayay midnimada iyo wada jirka qaranka, kuwii iga codeeyayna Illaahay ha fahamsiiyo” ayuu yidhi Dr. Saleebaan xaglatoosiye oo ka hadlay dareenkiisa.
Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015 Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015[/caption
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglotoosiye, wuxuu yidhi, “Guuldaradu marbay guul tahay, go’aankaygana dib ayaan ugu noqonayaa”ayuu yidhi Dr. Saleebaan Xaglatoosiye.

Loolanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglatoosiye, ayaa ahaa mid xamaasadaysan oo dhaqdhaqaaqyada kaanbaynkiisa laga arkayay madasha shirka Xisbiga KULMIYE ee golaha dhexe ka hor intii aanay bilaabmin cod bixintu, wuxuuna waxoogay sawaxan ah ka dhex abuuray madasha shirka. kadib markii tirada codadka oo aan lagu dhawaaqin ka hor intii aanay soo gaadhin shirgudoonka shaki geliyeen tiriyayaashu, taas oo keentay in dib loo qaado codka, isla markaana Kaadhadhka laga ururiyo xubnaha codaynaya, si loo hubiyo tirada, waxayna natiijadii guushu ku raacday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, iyadoo codaynta iyo tartanku u muuqdeen mid xataa aan loo aanayn karin gobol iyo deegaan gaar ah, marka la eego qaabka loogu kala codeeyay musharaxiinta ku loolamayay jagadaa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380