Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta kasoo laabtay safar ay Axadii todobaadkan ugu bexeen dalka Ethiopia.

Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi, wuxuu mudadii uu ku sugnaa Addis Ababa kulan si gaar ah loo qorsheeyay la yeeshay kula yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Kulanka labada Madaxweyne, oo ka dhacay Madaxtooyadda Ethiopia, isla markaana uu muddo ka shaqaynanay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed oo kaashanaya Dublamaasiyiin Qaramada Midoobay ah iyo Madaxda Ururka Midawga Afrka iyo sidoo kale Madaxda Midawga Yurub, ayaan la ogayn waxyaabaha lagaga hadlay iyo natiijada kasoo baxday, isla markaana ma jirin wax war ah oo labada dhinac iyo qaban-qaabiyaasha kulanka kasoo baxay.


Balse Madaxweyne Biixi markii uu galabta kasoo degay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport, waxa warbixin kooban saxaafada siiyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna sheegay in mudaddii ay ku sugnayeen Addis Ababab oo uu ka socday Shir sannadeedka Ururka Midawga Afrika, ay la kulmeen Madaxda ka socotay dalal baddan oo ka qaybgalay shirkaa iyo Dublamaasiyiin, kuwaas oo uu carabaabay inay ka mid ahaayeen Madaxweynayaal, wasiiro, madasha Afrika iyo Saraakiil ka socday hay’addo oo ay kala hadleen qadiyada Somaliland.


“waxa aannu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aannu ka lahayn ama looga baahnaa aannu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aannu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, Faratoon, mana uu magcaabin madaxda, hay’addaha iyo dublamaasiyiinta uu sheegay inay la kulmeen ee kasoo hooyeen guusha uu carabka ku dhiftay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo  kulan ku dhexmaray Addis Ababa
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo kulan ku dhexmaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuu xaqiijiyay kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, walaw aannu tafaasiil ka bixin natiijada kulankaa iyo waxyaabaha bud-dhiga u ahaa ee labada hoggaamiye kaga wada hadleen.

Prof. Faratoon, wuxuu tilmaamay qaabkii ay dawladda Ethiopia usoo dhowaysay wefdiga Madaxweynaha Somaliland, isagoo ku macneeyay inay ahayd mid meeqaamkeedu aad u sareeyay, wuxuuna ku macneeyay soo dhowaynta lagu qaabilay inay ahayd mid maqaam sare ah, “Waxa aan idin sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Ethiopia, gudoomiyiha cusub ee loo doortay Afrika (AU) sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu Madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen” ayuu yidhi, balse ma sheegin natiijada kulamadaa uu Wasiir Faratoon ku tilmaamay guusha waxa kasoo baxay ee ay Bulshada ugu bushaaraynayaan.


Bulshada Somaliland, ayaa si weyn u hadal haysay kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku dhexmaray Addis Ababa, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay labada hoggaamiye yeeshaan, walaw ay Somaliland iyo Soomaaliya Madaxdoodu hore ugu kulmeen wada hadalo soo taxnaa dhawr sannadood, balse laysla fahami waayay qaabkii loo si wadi lahaa, iyadoo xukuumaddii hore ee Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaaminayay iyo Xukuumaddihii isaga danbeeyay ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh soo bilaabeen wada hadal inay yeeshaan labada dhinac si ay mustaqbalkooda u go’aansadaan, laakiin waxa khiaafka inay sii socdaan wada hadalku sii xoogaystay markii ay yimaadeen labada xukuumadood ee Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo xukunka la wareegeen, iyadoo ugu danbayntii sidaa ku shiiqeen wada hadaladaa oo marba la kulmay turun-turooyin.

Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddisa, ayaa marar baddan ku qaaday Somaliland dagaal dublamaasiyadeed iyo weedho loo arkay xaqiirnimo, kuwaas oo ka cadhaysiiyay shacbiga Somaliland, isla mrkaana Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddisu warbaahinta u mariyeen jawaabo kulul, waxa sidoo kale xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddisu lagu calaamadiyay mid aan aqoonsanayn xasuuqii bahanimada lahaa ee loo geystay Shacbiga Somaliland xilligii siddeetanadkii Dawladdii Millaterig ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, iyadoo marar badan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo taageero u muujiyay shaqsiyaad ku suntan xaqsuuqa oo kiisaskoodu hortaalaan Maxkamadda dendiyada dagaalka, isla matkaanaha Hay’addaha Xuquuqda Aadamuhu ku raad joogaan.

Kornel Tukeh, oo ku eedaysan Xasuuqii waxashinada ahaa ee 1988 lagula kacay shacbiga Somaliland iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Kornel Tukeh, oo ku eedaysan Xasuuqii waxashinada ahaa ee 1988 lagula kacay shacbiga Somaliland iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo


Sidoo kale, dhawaaqyo siyaasadeed iyo dagaal dublamaasiyadeed oo labada dhinac marar baddan warbaahinta isu mariyeen iyo tallaabooyin siyaasadeed oo la qaaday, ayaa cirka u laalay in lasoo celiyo jawagii wada hadalka, balse dawladdaha sida weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya, Ergayga Qaramada Midoobay, midawga Yurub, hoggaamiyayaasha, carabta, Turkiga, dalalka Ethiopi, Djibouti, iyo dublamaasiyiin, ayaa labada dhinac u jiidayay inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka.


Dhinaca kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa qoraal kooban oo uu ku shaaciyay Bartiisa Facebook, markii uu Madaxweyne Farmaajo ku laabtay Muqdisho, wuuxu ku sheegay inay Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ku kulmeen Addis Ababa.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu uga mahadcelinayo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiya Ahmed martigalinta kulankaa, oo aanu sheegin waxa lagaga hadlay iyo natiijada uu ku dhammaaday.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayuu ku yidhi, qoraalkiisa Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia.