Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay kiiskii u horeeyay ee qof u dhinta  caabuqa Coronavirus, iyadoo dhinaca kale shaacisay in ay kordhay tirada ilaa xilligan si dhab ah loo shaaciyay, walaw aannu jirin baadhitaan ku waajahan Fayriska COVID-19 ee gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor-tagga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19, oo maanta kula hadlay weriyayaasha xafiiskiisa, ayaa sheegay in Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal qofkii u horreeyay ugu dhintay xannuunka Coronavirus ee COVID-19.

Wuxuu sheegay in marxuumkaa oo ahaa dadka degan Magaalada aannu ahayn qof ka yimi dibedda ee ka mid ahaa dadka ku dhaqan Magaalada, isagoo dhinaca xusay inay kordheen kiisaska xannuunka Coronavirus, isla markaana ay lixdii Qof ee hore looga helay kusoo kordheen saddex Qof oo kale, sidaana ay tirada ilaa hada la hayo ee gudaha Somaliland Coronavirus ay yihiin 9 qof, ama sagaal kiis oo ah xannuunka COVID-19.

“Xukuumaddu waxay ku hawlan tahay inay la socdaan dhaq-dhaaqa dadka looga shakiyay xannuunka Coronavirus, ha ku jiraan Cusbitaalada dawladda ee aan gacanta ku hayno, ama ha ku jiraan meelaha aan ku karantiimaynay, ama ha noqddaan kuwo nala soo xidhiidhay oo aannu xaaladdooda baadhnay, kadibna aannu oggaanay oo la xakameeyay.” Ayuu yidhi, Cumar Badde.

 “waxa jiray in aannu dirnay 36 Kiis oo baadhis ku maqnaa, shalay ayay nasoo gaadhay xogtii rasmiga ahayd, waxaana kasoo baxay Afar qodob oo ay muhiim tahay inay Bulshadu si fiican u fanto, kuwaas oo kala ah, dadka laga qaaday dhiigaga ee loo diray baadhitaanka, Magaalada Hargeysa, waxa laga qaaday 20 qof, waxa la xaqiijiyay in hal qof oo ka mid ahaa 20-ka qof uu qabay xannuunka Coronavirus, qofkaasi waa marxuumka ku dhintay Magaalada Boorama, taasna waxay muujinaysaa oo xaqiijinaysaa in xannuunku uu ku jiro gudaha Somaliland.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde oo warbaahinta la hadlayay.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya kiiska dhimashada sheegay in maadaama aannu ahayn qofkaa u dhintay COVID-19, ee Boorama ku geeriyooday qof ka yimi dibedda ay tahay fariin muujinaysa inuu jiro xannuunku, sidaa awgeed loo baahanyahay in la muujiyo taxadirkii iyo tallooyinkii caafimaadka ee Wasaasaradda iyo guddida qaran ee ka hor-tagga iyo maaraynta xannuunka, taas oo uu sheegay in looga baahanyahay dadweynaha in ay sideeda u qaataan oo joogteeyaan, isla maraana ay xoojiyaan.

Sidoo kale, wuxuu xusay Wasiir Badde in saddex qof oo ka mid ahaa dadkii laga qaaday dhiiggaga ay ahaayeen Magaalada Burco, kuwaas oo aan waxba laga helin, balse waxa uu xusay in hal qof oo Magaalada Berbera ka yimi, isla markaana ku sugan xilligan Hargeysa la oggaaday inuu qabo xanuunka Coronavirus ee COVID-19, kaas oo sida  uu sheegay ay xaaladdiisa Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso, walaw xaaladda qofkaasi ay wanaagsan tahay.

“Waxaan wasaarad ahaan u sheegaynaa Bulshada Somaliland, in Magaalooyinka Berbera, Hargeysa iyo Boorama uu jiro Xannuunku, sidaa awgeed waa in ay magaalooyinkaa iyo kuwa kale ee Somaliland dadweynuhu muujiyaan taxadir oo ay u hoggaansamaan awaamirta Wasasaradda Caafimaadka  iyo tallooyinkii Caafimaadka ee la faray Bulshada  iyo dhawaaqyada guddida qaran ee ka hor-tagga iyo maaraynta xannuunka, ayuu yidhi, Badde.

Wuxuuna xusay in ay hawl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ka bilaabeen baadhitaanno dheeri ah iyo baadhitaanno lagu dabagalayo dadka ay la kulmeen Xubnaha xannuunka laga helay ee magaalooyinkaa Hargeysa, Boorama iyo Berbera oo sida uu sheegay in xaaladdooda laga werwer qabo, isla markaana wuxuu tilmaamay in ay hawl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadku ku bilaabeen dadka laga helay xannuunka dabagal dheeri ah iyo baadhitaanno lagu xaqiijinayo dadka ay la kulmeen ee magaalooyinkaa.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,398,473, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 239,448, iyadoo ay kasoo kabteen dad gaashaya, 1,080,101 sida ay sheegayaan warxinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka caabuqa COVID-19, May 2, 2020, 3:35 AM Saturday, May 2, 2020 (GMT+3) Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee COVID-19, ee dunida laga helo. walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

AKHRI: Somaliland: Baadhitaanada Coronavirus Ee Magaalooyinka Waaweyn


Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.


Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin, waxayna khuburad Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19