Hargeysa(ANN)-Dhismaha Biriish Cusub oo uu dhaqaalaha ku baxaya iyo farsamadiisa uu ku deeqay Ganacsadaha Iska leh Shirkadda Somaliland Hono Group Suldaan Cabdirisaaq Cummaani, ayaa maanta laga dhagax-dhigay Degmada Maxamed Mooge ee Koonfur Bari magaalada Hargeysa.

Hirgelinta dhismaha Buundadan oo wax weyn ka tari doonto, isla markaana Isku xidhaysa Xaafadaha Maxamed Mooge iyo Digaale oo ku taalla cidhifka Koonfur-Bari ee magaalada, ayaa dhagax-dhiggiisa lagu daah-furay munaasibad kulmisay Mada-dhaqameed, Wax-garad,  Masuuliyiin ka socday Xisbiyada, haldoorka bulshada ku dhaqan Caasimada iyo xubno ka socda guddiga Guud ee deegaanka Koonfurta Hargeysa.

Munaasibadaa waxaana waxa hadallo lagu tilmaamay muhiimadda Biriishkani u yeelanayo iyo ammaan loogu jeediyey ganacsade Suldaan Cabdirisaaq Cummaani oo iska leh shirkadda Somaliland Hono Group oo ah shirkadda ugu weyn xagga dhismaha waddooyinka ee dalka ka jirta.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay xubin ka tirsan Guddi gacanta ku haysa Waddada xaafadda Digaale ee degmada Maxamed Mooge, taas oo dhismaheedu marayo wejigeedii saddexaad oo Biriishka Cusub qayb ka yahay.  Masuulkani waxa uu sheegay in dhismaha Biriishka hirgelinayso shirkadda uu leeyahay ganacsade Cummaani ee Somaliland Hono Group Wershad Karasharka Samaysa ku leh Xaafadda Maxamed Mooge.

“Waddadu waxay ka maarmi weyday Biriish, maantana Biriishkii ayaanu dhagax-dhigaynaa, hawshaa dhagax-dhiggeeda iyo kharashkeedaba waxa qaba shirkadda weyn ee halkan deggen ee Cummaanigu leeyahay. Dadka kalena sidaas oo kale ayaanu ugu baaqaynaa inay wax bixiyaan,” Sidaa ayuu yidhi masuulka ku hadlayey magaca guddiga gacanta ku haysa dhismaha waddada Xaafadda Digaale oo ku taalla Cidhifka Koonfur-Bari ee magaalada Hargeysa.

Suldaan Cismaan Baanne oo ka tirsan Guddiga Guud ee deegaanka Koonfurta Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda uu bulshada u leeyahay hirgelinta Biriishka Cusub, isagoo gacnacsade Cummaani ku ammaanay kaalinta uu ka geystay dhismaha Waddada Xaafadda Digaale.

“Ugu horeyn, waxaynu halkan uga mahad-celinaynaa Allah (SWT). Marka labaad waxaynu ku ammaanaynaa hawsha culayskaas leh ee ay wadaan guddiga dhismaha waddada. Waa kale oo runtii halkan mahad-naq uga jeedinaynaa Suldaan Cabdirisaaq, guddoomiyaha shirkadda Cumaani oo goobtan aynu taagannahay ballan-qaaday inuu Biriish ka dhisayo, lacagtiisana bixiyey, Illaahay haka abaal-mariyo.

Halkan aynu joogno Biriishka ama (Buundada) waxay leedahay muhiimad weyn.  Wuxuu isku xidhayaa xaafadda Maxamed Mooge iyo Xaafadda Digaale. Waa doox weyn oo aan laga tallaabi karayn, runtiina waa meelihii ugu muhiimsanaa ee mudnaa in wax laga qabto oo ay tahay in dowladdu, mid sare iyo hooseba, ay hoos u eegaan,” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cismaan

“Waxaanu ugu baaqaynaa Dowladda Hoose ee Hargeysa, Maayarka, Maayar-ku-xigeenka iyo Xoghayaba, inay yimaaddaan oo ay doorkoodii ka qaataan. Iyagaa magaalada ka madax ah oo og, waxaan filayaa inaanay ka qarsoonayn, waxaan ka codsanaynaa inay isoo dul-taagaan oo eegaan wax-qabadka intaas le’eg.”

Xubno kale oo halkaas ka hadlay, waxa ay ku baaqeen in shirkadaha kale ee dalku ku soo dhiirraan ka-qayb-qaadashada dhismaha waddada xaafadda Digaale oo hirgelinteeda ay isu-xil-qaameen Guddi Waxqabad oo dadka Xaafaddu samaysteen, kuwaas oo sida ay sheegeen codsiga Biriishka hordhigeen Ganacsade Cummaani kaddib markii dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba dhismihiisu ka awood batay, sidaana uu ganacsadu dusha ugu qaatay masuuliyadda Dhaqaaalaha ku baxaya iyo farsamada dhismaha ee Biriishka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo halkaas ka hadlay, waxa uu Guddiga Horumarinta Jidadka ee Degmada Maxamed Mooge ku ammaanay masuuliyadda ay bulshada u hayaan iyo hirgelinta jidka xaafadda Digaale oo maraya wejigeedii saddexaad, taas oo uu sheegay inuu dhismaheeda kaalin muhiim ah ka geystay ganacsade Cabdirisaaq Cumaani.

“Waan ku hambalyeynaa Guddiga Horumarinta waddooyinka ee Maxamed Mooge hawsha ay dadkooda u hayaan, iyagoo aan mushahar ku qaadan, Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa guddoomiyaha shirkadda Cummaani oo tiraba markii saddexaad laysheegay inuu ka qayb-qaatay dhismaha waddada, horena u sameeyey, imikana ballan-qaaday inuu Biriishkan dhammaystirayo. Illaahaybaa Xasanaad ka siinaya, Kolay cidna magac kagama doonayo,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Yuusuf Keyse.

Shirkadda Somaliland Hono Group oo dalka ka hirgelisay dhismayaasha waddooyinka ugu tradaba badan oo qandaraasyadooda ay ku guulaystay, isla markaana qaar ka mid ah gacanta ku ahysa wakhtigan, ayaa inta badan tabarucaad ay waddooyin iyo Buundooyin u fidisa bulshada ama deegaannada ay shirkaddu ka fuliso mashaariicaha ay ku guulaysato.

“Haddaanu nahay Somaliland Hono Group mar walba dheef doon uun ma nihine, meel kasta oonu hawl ka wadno ama ka shaqayno, dhinacayaga waaanu bixinnaa wax-qabad bilaash ah oo aanu jeebkayaga lacagta ka bixinno sida Waddooyin iyo Biriishyo,” Sidaas waxa yidhi Ganacsade Suldaan Cabdirisaaq Cummaani oo ka hadlayey wax-qabadka shirkaddiisa iyo sida ay uga qayb-qaadato addeegyada Kaabayaasha Dhaqaale ee bulshada.