OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa(ANN)Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa xayirtay dhismaha Xarunta Waxbarashada dadban ee Haweenka oo loo yaqaan Womens’ Club, taas oo ku taal badhtamaha magaalada Hargeysa, iyadoo xukuumaddu Iibisay dhowaan, balse Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa Amar kasoo baxay maanta ku xayirtay, iyadoo ku tilmaantay in aanu Iibkaasi sharci ahayn. sidaa awgeed ay xayirtay.

Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in dhulkaa aan wax shaqo ah laga qaban Karin, illaa iyo Amar danbe, iyadoo saaka ay kormeereen dhismaha xaruntaa oo ku yaal dhinaca Koonfureed ee Maaweel Hutel, waxayna garsoorayaasha kormeeray goobta uu ku yaal dhismahaasi cabireen dhulka dhismaha xaruntaasi ku fadhido.

Maxkamaddu ma shaacin cidda laga iibiyay dhismahaa, Garsooraha soo saaray Amarka Xayiraada ah ayaa sheegay in xarunta Womens’ Clubku hadda loo yaqaanay ay tahay xaruntii ugu horaysay ee ay Maxkamadda gobolka Hargeysi yeelato, iyadoo uu Garsoorihii ama Qaadigii ugu horeeyey fadhiistay 1905-tii

Illaa hada ma cada cida laga Iibiyey dhismaha xaruntaasi, waxaana Xarunta la Iibiyey deganaa oo ku shaqaysan jiray hay’addo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga 17-ka May ee Xildhibaan Xasan Cawaale, Dugsiga Cunta karinta ee Haweeya, Meherado yar yar oo ay hay’adda IPRT ku Maal-galiso Dumarka, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in dadkii deganaa qaarkood fara-laab la siiyay oo waxoogaa kharash ah la siiyay, halka kuwo kalena laga hurgufay oo dibadda la dhigay, iyadoo aan wax tixgelin ah la siin.

Go’aanka Maxkamadda gobolka ee Hargeysa, ayaa soo baxay.kadib markii ay maalmihii u danbeeyay dad bulshada ka mid ah oo arrintaa ka hadlay warbaahinta u sheegeen in dhismahaa laga iibiyay ganacsato, isla maraakana goobihii waxbarasho ee ka furnaa laga doorbiday in laga iibiyo ganacsade aan weli magaciisa si dhab ah usou bixin, waxayna arrintaa ku tilmaameen khalad weyn oo xukuumaddu gashay.

Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa mudadii shanta sanadood ee ay xilka haysay goobo hanti ummadeed oo sidan oo kale ah ka iibisay ganacsato iyo kuwo si hoose loo siiyay guryo ay dawladu lahayd. sidoo kale waxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore ugu wareejisay ganacsato Wershedii Laydhka Hargeysa, Wershedii Laydhka Berbera iyo hay’addo kale oo dawli ah, kuwaas oo ay ugu danbaysay qorshihii Haamaha Kaydka Shidaalka oo Lix shirkadood lagu wareejiyay, waxaana tallaabooyinkaa ka dhashay sawaxan iyo buuq, iyadoo golaha wakiiladu diideen, isla marakana ku tilmaameen inay Xukuumaddu u martay dariiq aan sharci ahayn wareejinta hantida ummada, isla markaana go’aan golaha wakiiladu ku diideen wareejinta Haamaha shidaalka, ayaa noqday mid ay xukuumaddu dhegaha ka furaysatay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews