Araweelo News Network
Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen dalladaha SONSAF iyo SSE

sonsafguddoomiyahaMustafeHargeysa (ANN) Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland, ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara dib-u-dhac ku yimaad doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 28 March 2017, haddii Alle yidhaa, waxayna farriimo baaq ah u direen Xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo ay wadajir u soo saareen guddoomiyeyaasha Dalladda SONSAF (Somaliland Non State Actors Forum) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil iyo SSE (Somaliland Society in Europe) Mr. Cabdillaahi Yuusuf (Xeef), waxa lagaga hadlay caqabado horyaal doorashooyinka oo u baahan in xal degdeg ah laga gaadho.
“Dalladda Jilayaasha aan dawliga aheyn ee (SONSAF) iyo Dalladda Ururrada Bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE), waxa ay yeesheen kulamo socday September ilaa badhtamihii bishan Octoober ee 2016. Kulamadaas oo si weyn loogu gorfeynayey arrimaha doorashooyinka, sida waqtiga inoo hadhay looga faa’iideyn lahaa, doorasho xor iyo xalaal ahna u dhici lahayd waqtiga loo qoondeeyey ee 28 March 2017-ka, haddii Ilaahay yidhaa.
Sidoo kale, waxay labada dhinac si weyn uga wadahadleen muhiimadda ay leedahay dedejinta iyo dhammaystirka qabyada diiwaangalintii waddanka ka qabsoontay, haddii ay tahay kala-hufista xogta diwiaangelinta, daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha.
SONSAF iyo SSE waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan xukuumadda Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka inay kordhiyaan heerka wadaagidda macluumaadka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
Dib-u-dhigistii doorashada Aqalka Wakiilladu waxa ay tilmaan cad u ahayd inay hannaanka doorashooyinka Somaliland soo waajahday caqabad weyn oo dhinaca siyaasadda iyo sharcigaba ah oo u baahan go’aan-qaadasho siyaasadeed oo lagaga baxo marxaladaha noocaas oo kale ah.
SONSAF iyo SSE waxa ay si weyn ugu talinayaan in xukuumadda Somaliland la timaad qorshe-hawleedka doorashooyinka baarlamaanka (Parliamentary election roadmap), iyada oo ay hubaal tahay in qabyo badan ka jirto, haddii ay tahay saami-qaybsiga kuraasta gobollada iyo degmooyinka, dumarka iyo dadka la hayb-sooco sidii loogu diyaarin lahaa kooto.
Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland gudo iyo dibedba waxa ay aaminsan yihiin in doorashooyinku ku dhacaan waqtigooda. Shacbiga Somaliland lama dhacsana, aadna way uga xun yihiin wax kasta oo dib u dhigaya doorashooyinka, taas oo keeni karta xasillooni-darro siyaasadeed iyo dhaawac soo gaadha nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland.” Dhinaca kale, waxa ay uga mahadnaqeen xukuumadda Somaliland oo bixsay qaybta kaga soo hagaagtay dhaqaalaha doorashooyinka, “SONSAF iyo SSE waxa ay si wadajir ah uga mahadnaqayaan dawladda Somaliland bixinta kharashka doorashooyinka. Waxay kaloo uga mahadnaqayaan beesha caalamku taageerada ay siiso arrimaha doorashooyinka Somaliland hore iyo dambeysaba, iyagoo si wadajir ahna ugu boorrinaya inay sii wadaan taageerada iyo kaalmada dhaqaale ee ay ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland, gaar ahaanna doorashada Madaxtooyada la filayo sannadka dambe,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Bulshada Rayidka Somaliland.