Araweelo News Network

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata oo muqdisho yimi

Nairobi(ANN)- Ilaa 10 qof oo ay ku jiraan Diplomaasiyiin iyo hawladeednoa ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta kadib marki la qabtay iyagoo isticmaalaya passporka Diplomaasiga ee Soomaaliya iyo Passporka ay isticmaalaan shaqaalaha, kuwaas oo dhmaantood sitay Visaha Kenya.

Dadka la xidhay ayaa sida muuqata u dhoofay halkaas markii ay maqleen inuu heshiiska labada dawladood dhigayo inuu isu socodka Labada dal isu furmay.

Muna Xuseen oo seeygeeda uu ka mid yahahay dadka xidhan ayaa sheegtay in la xidhay maalinti Arbacada lana filayo in maanta dib lo so celiyo oo uu ku so laabto Muqdisho.

Kenya ayaa u muuqata in dhinaceda wali aanu ka dhaqan galin heshiiski labada Madaxweyne wada gaadheen dhowaan.

Dhinaca kale safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo Madaxtooyadda Villa Somalia ayaan weli Ka hadlin dhacdadan oo meesha ka saaraysa inuu hirgalo Heshiiskii Labada Madaxweyne.