araweelonews-300x168

Muqdisho(ANN)Diyaarad ay là socdeen dad ajaanib ah, ayaa ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho, taas oo aan là ogayn tirada dadka là socday iyo sababta keentay inay dhacdo, bàlse warar hordhac ah, ayaa sheegaya in laga soo badbaadiyay ugu yaraan Lix qof oo ajaanib ah.

Sida a sheegayaan warar hordhac ah, waxay diyaaradu ahayd kuwa cidamada, iyadoo saad kasoo daabulaysay dhinaca gobolka Gedo, bàlse cilad ku Timi kadib markii ay awood weyday inay fadhiisato Madaarka Muqdisho, taas oo sababtay inay ku dhacdo duleedka magaalada ee Afgooye.

Warka  Diyaarada oo ay ka hadashay Xukuumadda Somalia goor dhow kala soco Araweelo News Network.