Minneaplos(ANN)Diyaarad siday rakaab badan oo u kala safraysay magaalooyinka Minneaplos iyo Las Vegas ee dalka Maraykanka, ayaa si degdeg ah loo fadhiisiiyey madaar kale oo aan ahayn halkii ay u socotay, kadib markii suuligu ku xidhmay duuliyihii koowaad ee diyaaradda.
Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Maraykanka ee oo la yidhaa Delta Air Lines, ayaa bayloodkii waday ee masuulka ka ahaa u sheegay rakaabkiisa in diyaaraddu si degdeg ah u cago dhiganayso, isagoo xusay in suuliga lagu maydho ee diyaaraddu ku qufulmay, kana furmi waayey, arrintaasoo noqotay dhacdo layaableh oo cabsi ku abuurtay dadka rakaabka ahaa.
Duuliyaha koowaad ee diyaaradda oo dhex jooga suuliga ku xidhmay ayaa makarafoonka kala hadlay rakaabkii, isagoo ku wargeliyey in duuliyaha labaad ee kaaliyaha u ahaa fadhiisin doono diyaaradda, iyadoo shaqaalaha diyaaradu sheegeen in markii ay ka war heleen in bayloodkoodii uu suuliga ku xidhmay ay telefoon u direen madaarka McCarran International Airport, una sheegeen in ay dhibaato yar la soo deristay.
Markii baylootkii diyaaradda waday uu dejiyey 168 rakaab ah oo diyaarada saarna, waxa laga soo saaray baylootka suuliga.
“Xaaladu waxay ahayd mid aad u naxdin badan, balse xiiso ku duugnaa,” ayuu yidhi mid ka mid ah rakaabka oo muqaal iska dhex duubay intii uu diyaarada ku dhex jiray.
Rakaabka qaar ka mid ah oo Wakaaladda Wararka ee ABC News u warramay, ayaa sheeggay in muddo laba saacadood iyo badh ah oo ay safar ku jireen ay wareersanaayeen, markay arkeen duuliyihii oo ka soo bixi kari la’ suuliga ama musqusha diyaaradda, isla markaana garan waayeen cid diyaarada waday.
Diyaaradan oo si degdeg ah loo dejiyey cid wax ku noqotay ma jirto, waxaanay u degtay si ammaan ah, inkastoo aan loo ogolayn baylootka labaad inuu diyaaradda kantaroolkeeda gacanta ku qabto marka ay degayso, haddana waxay ahayd xaalad degdeg ah oo qasab ku noqotay inuu diyaarada fadhiisiyo
“Sarkaalka koowaad waxa uu diyaaradda dejiyey isaga oo aan helin qof ka caawiya in diyaaradu cago-dhigato, taasina waa arrin khatar badan oo uu u badheedhay, waxaannu la hadlay madaarka oo loogu diyaariyey shaqaalaha xaalada degdega ah ka jawaaba.” Sidaana waxa tidhi haweenay afhayeen ah oo u hadashay diyaaradda bayloodkeeduu suuligu ku xidhmay.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com