Araweelo News Network

diyaaradaarabtaXudayda(ANN) Diyaaraddaha dagaalka ee xullufada Sucuudiga oo duqayn ka wada dalka Yaman, ayaa garaacay Xabsi ku yaal Magaalada Xudayda ee Woqooyiga Yaman oo u dhaw Xadka dhinaca Sucuudiga.
Wararka ka imanaya halkaa, ayaa sheegaya in ugu yaraan 45 qof ku dhinteen kadib markii diyaaradaha dagaalka ee xullufada Sucuudigu ay duqeyn ku qaadeen Xabsi ay Xuuthiyiintu maamulaan oo kuyaalla Magaalada Al-Xudeyda ee Woqooyiga Yemen.

Saraakiisha Caafimaadka ee ku sugan magaalada Xudeyda, ayaa sheegay inay korodhay tirada dadka ku dhintay duqeyn shalay gelinkii dambe ay geysteen diyaaradaha Isbaheysiga Carabta ee Sucuudigu hoggaamiyo, iyadoo tirada dhimashadu ay gaadhay 45 oo ka mid ahaa Maxaabiis ku jiray Xabsi ku yaal halkaa.
Xudeyda, waa magaalo ku taal Xeebta Badda Cas, waana Dekedda sadexaad ee ugu weyn Dalka Yaman, iyadoo Dhismaha xabsiga la duqeeyay ee deegaanka lagu magacaabo Al-Zeydiya, ay ku xidhnaayeen inkabadan 80 Maxaabiis ah.

Dhinaca kale Warbaahinta ku hadasha Afka Xuuthiyiinta, ayaa sheegay in duqeynta Xabsiga lagu qaaday ay ku nafwaayeen 43 qof, isla markaana dhaawacyo kasoo gaadheen tobonaan kale, waxay Xuuthiyiintu ku eedeeyeen Isbaheysiga Dowladaha Carabta ee Sacuudigu uu hoggaaminayo inay Afar weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen Xarun Booliis iyo Xabsi ku yaalla degmada Al-Ziidiya ee hoostagta magaalada Xudeyda ee dhinaca Woqooyi galbeedka ee dalka Yemen.

Kooxaha Xuuthiyiinta ee ay Xullufada yihiin Madaxweynihii hore ee Dalka Yaman Cali Cabdale Saalax oo ay taageerto Dowladda Iiraan, ayaa magaalada Xudeyda qabsaday bishii August ee Sannadkii 2014, kadib markii duullaan ballaadhan oo xilligaas ay soo qaadeen ay ku qabsadeen dhowr magaalo oo kuyaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Yemen.

Isbaheysiga Dowladaha dalalka Khaliijka Carabta ee Sucuudigu hoggaamiyo, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin duqeynta khasaaraha dhalisay ee diyaaradahooda ay ku qaadeen Xabsiga magaalada Xudeyda, waxaana duqeyntani ay kusoo beegntay, maalmo kadib markii Gantaalaha Scudka ee ridada dheer lagu garaacay gudaha dalka Sucuudiga, kuwaas oo cabsi geliyay Sucuudiga iyo xullufadiisa.