????????????????????????????????????

maddaxweynaha Somaliland oo  suuqa ka iibsanaya Calan

Hargeysa(ANN)waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka iyo suuqyada ganacsiga Somaliland, ayàa laga dareemayaa dhamaan saxmad la xidhiidha qaban-qaabada diyaargarawga munaasibada sida weyn looga xuso Somaliland ee 18 May.

 

 

 

Munaasibadda xuskeeda loo diyaargaroobyo oo  ah 24 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland dib ula  soo  noqotay xoriyadeedii luntay 1960, taas oo sababtay halgan dhiig baddan ku daatay kadib markii uu fashilmay midawgii Soomaali weyn in shacbiga Somaliland 18 May 1991 kaga dhawaaqaan magaalada Burco ee  xarunta gobolka Togdheer in ay lasoo noqdeen xoriyadoodii luntay 26 Jun 1960.

Maalinta qiimmaha baddan 18 May oo ah maalintii ay Somaliland dib ulsa soo noqotay xoriyadeedii, ayaa sanad walba si weyn looga xusaa guud ahaan gobolada dalka Somaliland iyo jahliyadaha dhinaca qurbaha oo ay qurba-jooga u dhashay Somaliland ka xusaan, isla markaana waxa magaalooyinka waaweyn ee gudaha Somaliland laga dareemayaa saxmada diyaar garawga munaasibada maalintaa, iyadoo Calanka Somaliland ee sadexda midab leh qiimihiisu cirka isku shareeyay.

Suuqyada ganacsiga, ayaa camirmay, waxayna diyaar garawga munaasibadan oo sababtay saxmad laga dareemyo suuqyada ganacsiga ka qaaday wahabkii iyo ciiradii saarnayd, iyadoo shaaracyada wadooyinka iyo suuqyada ganacsiga  lasoo dhoobay Calanka Somaliland iyo astaamo yar yar oo lagu sawiray Calanka, kuwaas oo noqday waxyaabaha ugu baddan ee dadku iibsanayaan.

 

sidoo kale Kumanaan dhalinyaro ah oo jiilashii labaatankii sanadood ee u danbeeyay dhashay, ayaa hafiyay suuqyada waaweyn, waxayna iyagoo wata qaarkood gaadiid, kuwo kalena raxan raxan u socdaan oo ku faraxsan xuska diyaar garawga munaasibadaa oo ah maalin qiima baddan oo ku suntan qaranimada Somaliland ku marayaan shaaracyada wadooyinka dhawaaqyo kala duwan oo cod baabiyayaal lagu xidhay baabuur oo ay kasoo baxayaan heeso waddani ah, kuwaas oo sawaxan iyo buuqooda si weyn looga dareemoayo magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.

Jimcihii shalay, waxa si weyn looga maqlayay Masjidada waaweyn ee salaada Jimcaha lagu tukanayay Culimada Masjidada inta baddan oo qudabadihii Salaada Jimcaha kusoo qaatay malintaa, waxayna ka digeen in xuska munaasibada maalinta 18 May oo ku beegan maalinta Isniinta ee 18 May 2015,  si khaldan looga faa’idaysto, iyagoo ku dooday in xusbka maalintaa uu sababo waxyaabo ay ku tilmaameen fawaaxish oo ay uga digeen dhalinyarada ay madax martay maalinta qiimaha weyn ee 18 May, balse dhawaaqyadaa ayaan waxba ka beddelin diyaar garawga xuska munaasibada 18 May ee loo dabaal degayo 24 guuradii kasoo wareegtay.