Araweelo News Network

PolicedjiboutiDjibouti(ANN( Ciidamadda Milateriga iyo Booliska Dalka Djibouti iyo dad shacab ah, ayaa gacanta isula tegey. kadib markii sida ay sheegayaan warar ka imanaya dhinaca Djibouti ciidanka ammaanku rasaas ku fureen dad sameysanayay xuska Mowliidka Nebi Maxamed CSW.

Warar is khilaafsan, ayaa kasoo baxaya dhacdadaa sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo sida ay wararka qaar sheegayaan ugu yaraan dhawr iyo toban qof oo shacab ah ay ku dhinteen, iyadoo tiro intaa ka baddan ku dhaawacantay.

Guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga mucaaradka USN, Cumar Cilmi Kheyre ayaa u sheegay BBC-da in booliisku ay soo weerareen goobtaa saaka arroortii oo ay dad shacab ah oo xusayay dhalashada nebigii suubanaa ee Maxamed CSW, ay rasaas ooda kaga qaadeen, wuxuuna ku tilmaamay arrintaa mid foolxumo weyn ah.

Policedjibouti

Hase yeeshee Taliyaha ciidanka Booliiska Djibouti, Cabdullaahi Cabdi Faarax ayaa isna dhinaciisa u sheegay BBC-da in dadkaasi aanay ahayn kuwo xusayay dhalashada Nebiga CSW, balse ay ahaayeen dad ay soo abaabuleen niman uu sheegay inay siyaasiyiin oo doonaya inay dadka ku abaabulaan inay dawlada la dagaalamaan oo ay fawdo ka dhigaan dalka.
Taliyaha, ayaa sheegay in Booliska goobta tegey uu isagu watay, isla markaana dad ay mucaaradku ku abaabuleen halkaa oo lagu heshiiyay inay ka baxaan, ay dagaal kala horyimaadeen ciidankii uu watay, “Arrin aan weligeed dhicin ayaa dhacday oo ay sameeyeen dad dibadda kasoo abaabulaya shacabka, Dad la abaabulay ayay ahaayeen oo hubaysan, iyagaa na weeraray oo askartaydii qaarkood Qoryihii ka qaaday, anagana waan is difaacnay, waxay laayeen askartii 36 Askari oo sarkaal ku jiro ayay dhaawaceen, weliba dhaawacaygii iyaga ayaa qaatay oo aan maanta duhurkii kasoo ridnay” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Djibouti.

Mar la weydiyay inuu inta shacabka khasaare soo gaadhay, wuxuu sheegay in ilaa 6 qof oo dhaawac ah uu arkay oo ay dhakhtarka geeyeen, balse wuxuu meesha ka saaray in dad shacab ah ku dhinteen rabshadaa oo uu sheegay inay ugu danbayntii kala eryeen dadkii waday, isla markaana ay raadinayaan dadkii ka danbeeyay oo sharciga la hor geyn doono.

Dalka Djibouti, waxa dhawrkii bilood ee u dabeeyay ka taagnaa guux, kadib markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele sheegay in uu mar Afraad musharax u taagan hoggaaminta dalka yahay, taas oo ka cadhaysiisay siyaasiyiinta mucaardka ee aan awooda baddan lahayn, waxaana ilaa sadexdii Bishan isa soo tarayay rabshado kaga imanayay xukuumadda dhinaca taageerayaasha Mucaardka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380