Araweelo News Network

Qudbiga Sheekh Ciise Ceeleeye

“Ummada ka tafiirantay Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise waa dad walaalo ah..” Ambassador Xuseen Cumar Kawaaleye

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda dalka Djibouti, ayaa ka codsaday xukuumadda Somaliland in la ilaaliyo qabriga Sheekh Ciise oo ku yaala deegaanada gobolka Sanaag, kadib markii ay soo baxeen dhowaan warar sheegaya in laga helay Dahab.

Qunsulka Dalka Djibouti  u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaleye oo dhowaan booqasho ku tegay gobolka Sanaag, isla markaana soo booqday qabriyada Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise ayaa ka codsaday xukuumadda Somaliland inay xoojiyaan amaanka deegaanka qabriga Sheekh Ciise Binu Axmed ku yaalo ee deegaankaa, wuxuuna isagoo war la xidhiidha arrintaa Iyo socdaalkiisa waxyaabaha uu kusoo arkay oo uu wax ka weydiiyay  weriye Maxamuud Walaaleye yidhi,

“Booqashadii aanu ku tagnay qabriga Sheekh Ciise, waxuu noo sheegay muriidka ilaaliya, inay dhibaato ku hayaan dadka raadsada dahabka lagu sheegay gobolka Sanaag. Waxaan ka codsanayaa xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha inay xoojiyaan amaanka qabriga Sheekh Ciise, oo ku yaala deegaanka dahabka ugu badan laga helay, oo laga xidho, lagana celiyo dadka qodaya.

Ambassador. Kawaaleeye oo ka hadlayey socdaalka uu ku tegay gobolka Sanaag ayaa sheegay in Sheekh Isaxaaq  Binu Axmed iyo Sheekh Ciise  walaalo ahaayeen, isagoo yidhi,

“Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise walaalo ayey ahaayeen, laba wada-dhashay ayey ahaayeen. Ummada ka tafiirantay Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ciise waa dad walaalo ah. Qabriga Sheekh Ciise ayaan soo booqday, qabriga Sheekh Isaxaaq inaan imaadana waajib ayey igu ahayd.”

Qunsulka dalka Djibouti u fadhiya Somaliland Md. Kawaaleye ayaa ugu baaqay dadka ka soo tafiirmay Sheekh Ciise inay ka qeybqaataan dayactirka qabriga Sheekh Ciise oo sida uu sheegay dayactir u baahan, wuxuuna  yidhi,

“Waxaan nasiib u yeeshay inaan imaado oo qiimeeyo waxuu u baahan yahay qabriga Sheekh Ciise, si aan ugu wargeliyo beesha Ciise nin walba waxuu gargaar iyo caawimaad ku biirsanayo, oo waxuu ka qaban karo ka qabto.” Ayuu yidhi Md. Kwaaleeye, isagoo raaciyey,

“Waxaan leeyahay haddaba, annagu qabrigii waanu joognaa, siyaaradii waanu keenay,  muriidkii wuu nala jooga, si fiicana waa loo daryeelay. Fariinta aan dirayaa waa in la daryeelo qabriga oo deyrka loo dheereeyo, ceelkii biyaha oon lahayn Mator soo saara iyo qasabado laga cabo, masaajidka la balaadhiyo, gaadhigii loogu shaqeynayey, waxuu u baahan yahay dhamaantood, intaan soo qiimayno ayaan idiin soo tebin doonaa.”

Socdaalka Qunsulka Djibouti  u fadhiya Somaliland Md. Kawaaleeye ku tegay gobolka Sanaag oo qaatay muddo shan maalmood ah ayaa maanta ku soo gurya-noqday caasimada Hargeysa.