Araweelo News Network.

Djibouti (ANN)-Xukuumadda Madaxweyne Geelle ee Dalka Djibouti, ayaa xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Djibouti, Mr. Abdilkarim Aden Cher.

Sidoo kale, waxa la xidhay masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood Axaddii Toddobaadkan March 6, 2022, loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Gabood.  

Sida uu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Djibouti Mr. jama Suleiman Ali.

Saraakiisha kale ee la xidhay waxa ka mid ah Agaasime ku xigeenkii guud ee Maaliyadda Djibouti, Faarax Maxamed Cismaan iyo Sahal Siciid Cawaale, oo ahaa Khasnajigii Maaliyadda Djibouti.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Djibouti ayaa amar ku bixiyay in masuuliyiiintaa dhammaatood xabsiga la dhigo, balse sida ay sheegayaan wararka ay shebekaddaha Araweelo News Network ka heshay Djibouti, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Mr. Abdoulkarim Aden Cher, ayaa xalay maxkamaddu dammaanad kusoo daysay.

Dad baddan ayaa u riyaaqay markii lasoo daayay, kuwaas oo kusoo dhoweeyay gurigiisa, wallow aan kiiska loo haystaa ahayn mid dhammaaday, isla markaana uu dammaanad ku joogayo ilaa inta xukun maxkamaddeed ku dhacyo oo lagu helayo denbi, ama lagu waayayo ee si toos ah xorriyadiisaloogu celinayo.

 Abdilkarim Aden Cher, ayaa habeenkii Jimcaha ee March 4, 2022, laga qabtay gurigiisa oo ku yaala Carta, kaddib markii qaybta denbi-baadhista  oo ay weheliyaan ciidanka Booliska ee  Djibouti xabsiga u taxaabeen.

Waxa xadhigiisa ka horeeyay Agaasime ku xigeenkii guud ee Maaliyadda Djibouti, Faarax Maxamed Cismaan iyo Sahal Siciid Cawaale, oo ahaa Khasnajigii Maaliyadda Djibouti iyo ganacsato.

Laba nin oo ganacsato ah, oo  lagu kala magacaabo Usama Algamil iyo Kamaj, ayaa la sii daayay, balse saraakiisha kale ee Maaliyadda ayaa weli ku xidhan Xabsiga.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Djibouti Mr. jama Suleiman Ali, ayaa qoraal ku taariikhaysan 6 March 2022, oo nuqul ka mid ah ay heleen shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network, waxa lagu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen kormeerayaasha dawladda lagu ogaaday in khasnadda dawladda ay ka maqan tahay dhawr Bilyan oo lacagta faranka ee Djibouti ah, taas oo u dhiganta Boqol milyan oo lacagta Doollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale,  war kasoo baxay waxaada cadaaladda Djibouti, ayaa lagu sheegay in baadhitaanku uu socdo,  isla markaana dhowr masuul oo kale la horgeyn doono sharciga, waxaana dhammaan dadka kale ee la xidhay loo gudbiyay  xabsiga dhexe ee Djibouti ee loo yaqan Gabood.

Arrintan ayaa timi kaddib markii xiisad u dhaxaysay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkii Miisaaniyadda, Abdikarim Aden Cher, sababtay in Madaxweyne Geelle xilka ka qaado Wasiirka Miisaaniyadda dhammaadkii sannadkii tegey December 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com