Hargeysa(ANN)-Dood lagu lafa-guray xoriyaddii dalalka Afrika 1960-kii oo ahayd markii inta badan dalalka Afrikaanku gumaysigii ka qaateen xoriyada, ayaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, (Hargeysa Cultural Centre).

 

Dooda oo la qabtay June 2020, 60 sanandood kaddib, ayaa lagu lafa-guray sanand guurada ka soo wareegtay bishii June 1960-kii oo ah sannadkii ay inta badan dalalka Afrika xornimada ka qaateen gumaystayaashii Yurub.

waxa hal-ku-dheg looga dhigay Sannadka Afrika iyo kaalinta Somaliland ee Qaaradda Afrika.

Dooddan oo Sabtida 13-ka bisha June 2020 la qabtay, ayaa ku qabsoontay habka online-ka oo si toos ah looga daawanayey Facebook-ga, ay lagaga hadlay sidii ay Somaliland hormuudka ugu ahayd xornimada Soomaalida iyo weliba dalal kale oo Afrika ah, iyadoo Xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Britian 26 June 1960-kii, heerarkii iyo marxaladihii kala dambeeyey ee ay soo martay xornimada Somaliland, midnimadii dhex-martay Soomaaliya iyo waxay ka sinnaayeen amma ku kala duwanaayeen dalal badan oo isla xilliyadaa gumaysiga ka hoos-baxay oo Qaaradda Afrika ka tirsan iyo weliba halka maanta wax marayaan.

Xarunta Dhaqanke ee Hargeysa (Hargeysa Cultural Centre), ayaa martigelisay dooda, waxaana  ka qayb-qaatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Marwo Yusuf Abraar, Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Iid Muuse iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Dr. Jaamac Muuse Jaamac, iyadoo uu dooda daaddihinayey Dr.  Maxamed Guudle.

Aqoonyahanka ka qaybgalay doodda, ayaa afkaartooda iyo aarraadooda kusoo qaatay darafyo kala duwanoo ay ku muujiyeen kala duwanaanshaha dalalka Afrika ee xornimada ka qaatay gumaysigii Afrika qaybsada.

Balse intooda badan waxay sheegeen in aannay weli ka hoos bixin dalalka Afrika gumaysigaa oo ay u dhitinayaan qaar badani dhibaatooyinka gumaystaha ay ka hoos-baxeen oo aanay ka faro-bixin, halka ay qaarna u naafoobeen dhibaatooyinka gumaystihii Albaabka laga saaray oo waddammo badan Daaqadda dib uga soo galay.

Caqabadaha ugu waaweyn ee Afrika ragaadiyey ee ay dib u abuureen dagaallada qaboow ee gumaystuhu, ayey Xubnahani ku tilmaameen in lagala dagaallamay dhaqaalaha, waxbarashada, wax-soosaarka isku-fillaanshaha, xasilloonida, helitaanka nabad-dhammaystiran, halka ay Madaxda Afrika gumaystaha ka dhaxashay iyo kuwii ka dambeeyey qaar badan oo ka mid ahina, noqdeen keliteliyeyaal burbur u horseeday dalalkooda, musuqmaasuq, qabiilaysi, sinnaan la’aan, nidaamka dimuquraadiyadda oo ka shaqayn waayey inta badan Afrika iyo dhibaatooyin kale oo la hal-maala.

Ka qaybgalayaasha, ayaa Doodda ku soo ururiyay, isla markaana waxay soo jeediyeen in la joogo xilligii la joojin lahaa, kuwaa beddelkoodana loo qaadan lahaa xalkooda iyo qodobbada horumarka dal iyo dad-ba ay waddamada qaaraddu ku gaadhi karaan iyo xaaladaha kala duwan ee xilligan ku gedaaman Somaliland oo iyaduna ka mid ah dalalkii xorriyadda qaatay June 1960-kii kuwooda waqtigan naafada u ah ee aan ka wada bogsan nabarrada ka soo gaadhay hantaaqooyinkii xornimada ka dib ay la kulantay.