Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Warancade

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Warancade


Hargaysa(ANN)Mmadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xadhiga ka jaray maanta dhisme wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ku dhowaad laba sanadood ka hor.

Dhismahaa oo ka kooban Sadex dabaq, ayaa lag dhisay Dhulka Xafiiskii hore ee Gobolka oo yaal Shacabka, waxaana gurigaa dhismihiisa la bilaabay muddo yar kadib markii uu xukunka la wareegtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaano, iyadoo Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ku shaqaynaysay muddo ku dhow Laba sanadood, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jray dhimahaa oo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay wasaaradda arrimaha guduhu ku shaqaynaysay.

Lama ogga sababta dhismaha dhawrka sanadood lagu shaqaynay loogu qabtay xaflada weyn ee Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray, maadaama aan markii la dhamaystiray ka hor intii aanay wasaaradda arrimaha guduhu u wareegin xadhiga looga jarin sida inta baddan dhisamayaasha dawlada ee sidan oo kale ah la sameeyo.

Madaxweyne Siialanyo, ayaa booqasho gaaban goor galab ah ku tegey dhismahaa, intii wasaaradda arrimaha guduhu u wareegtay, isagoo barxada dhismaha wasaaradda ku nastay, halkaas oo wasiirka Arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale ku wada laydhsadeen, wuxuuna Madaxweyne Siialanyo waqtigaa arkayay in wasaaraddu sahqadeedii ka bilawday dhsimahaa oo u wareegtay.

Dad baddan oo bulshada kamid ah, ayaa su’aalo iska weydiiyay dhacdada maanta oo ahayd mid ku cusub dhaqanka nidaamka dawladnimo, taas oo aan la ogayn ujeedada ka danbaysa ee xiligan loogu beegay iyo sababta haddiiba xadhiga laga jarayo dhismahan oo ka mid ah dhismayaal baddan oo Somaliland loogu deeqay, iyadoo aan la ogayn kharashka ku baxay markii la dhamaystiray sanado ka hor looga jara waayay xadhiga.

Dooddaha ka dhashay arrintan waxay dadka qaar ku macneeyeen in aanay arrintu ahayn dhimaha ee ay ahayd xaflad si dadban loogu qabtay sanadka cusub oo dabaal deg ah, halka doodaha qaarna ku sifeeyeen arrintaa mid u muuqata in ahmiyada ugu weyn ee laga lahaa ahayd in rayal caamka bulshada loogu muujiyo muuqaal ah in xukuumaddu waxqabanayso, balse waxaa suurta gal ah in dhismayaal hore xaflado loogu qabtay mar kale xadhiga dib looga jaro, ama xaflado loo qabto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380