Araweelo News Network

doonisidatahriibQahira(ANN) Doon siday Tahriibayaal gaadhaya 600 qof, ayaa ku degtay Xeebaha Dalka Masar, sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga soo xigtay saraakiisha Dalka Masar Doonta ayaa ku degtay xeebat magaalada Roozeta, iyadoo saraakiisha Dalka Masar sheegeen in lasoo badbaadiyay ku dhowaad 150 qof oo ka mid ahaa Tahriibayaashaa.

Sida lagu faafiyay Wakaaladda Wararka ee MINA, waxa ay saraakiishu xaqiijiyeen in 22 qof ilaa hada xaqiijiyeen dhimashadooda., isla markaana baadidoon loogu jiro sidoo ku dhowaad 400 qof geeri iyo nolol loo xaqiijin lahaa.

Dadka Tahriibayaasha ah oo aan weli la xaqiijin dalalka ay u kala dhasheen, waxa la xaqiijiyay inay ka yimaadeen Dalalka Masar Suuriya iyo Bariga Afrika, balse ma cada inay dadka Tahriibayaasha ah ku jiraan dad Soomaali ah.