Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-Ciidamada Badda Puntland, ayaa saaka waabarigii qabtay Doon siday shixnad Hub kala duwan ah oo laga dejinayay duleedka Magaalada Boosaaso.

Sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Maxamed Maxamuud Xasan, saaka waaberigii ayay ciidanku qabteen Doon magaceedu yahay Al-furqaan oo siday shixnad Hub kala duwan, taasoo sida uu sheegay qiyaastii meel magaalada Boosaaso dhinaca Bari kaga began 9 Km oo lagu magacaabo Madheedho ay kasoo qabteen

Doonida, ayuu Tliyaha Ciidanka Puntland sheegay in ay siday Qoryaha nooca loo yaqaan Dhashiikaha iyo sidoo kale Hubka Fudud oo kale duwan, wuxuuna xusay in Hubkaa laga keenay dhinaca Dalka Yemen, balse ma sheegin xadiga Hubkaa iyo cidii lahayd, isagoo xusay in raggii sitay ay ka baxsadeen gacanta ciidanka.