omar abdirashiidMogadishu(ANN) Dawlada Federaalka ee Somalia, ayaa dusha ka saartay xukuumadda Somaliland inay masuul ka tahay bur-burka Wadahadalkii socon waayay ee dalka Turkiga. Sidaana, waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Somalia u qaabilsan warbaahinta.
Qoraalkaa, ayaa u qornaa sidan:- “Iyada oo laga ambaqaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, lagana shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayna xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.

Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah.

Waxaa nasiib darra ah in wafdi ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guul darreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isaga oo la soo baxay shuruurdo la xidhiidha dadka dhinaca Soomaaliya matali kara.
Laba dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq umma laha in uu midka kale u yeedhiyo cidda ay tahay in ay matasho. Arrintaasi waxay xad gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaadhay iyo hab dhaqanka caalamiga ah ee wadaxaajoodka.

Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimi niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fadhiisto.

Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatashi ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wadahadalladani.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.”ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Somalia u qaabilsan warbaahinta.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews