Araweelo News Network


Dubai (ANN)- Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ku guulaysatay inay muddo 30 sanno ah maamusho dekedda magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyadoo dekedaas lagu maalgelin doono lacag dhan $336 milyan oo doollar.
Guddoomiyaha Shirkadda DP World Mr. Sultan Ahmad Bin Sulayem iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa heshiiskan ku kala saxeexday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxayna labada dhinac caddeeyeen in heshiiskani qayb ka qaadan doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay DP WORLD, maalgelinta dekedda Boosaaso waxa loo kala qaadayaa laba weji oo wejiga hore ay ku baxayso lacag dhan $136 milyan iyo wejiga labaad oo ay ku baxayso $200 milyan oo doollar, waxaannu mashruucani dhisi doonaa barxad dhererkeedu dhan yahay 450 mitir oo ah halka gaadiidka baddu ku soo xidho marka xammuulka la saarayo amma laga dejiyano (Quay), goob 5 higtar ah oo kayd u ah dekedda iyo dayr 12 mitir ah.

Waxa kaloo mashruuca lagu maalgelinayo dekedda Boosaaso ku jira dhismaha xarunt isgaadhsiinta casriga ah iyo hannaanka hawlgalada teerminaalka (Terminal Operating System), samaynta wiishash waaweyn oo nooca wareega ah (mobile harbour cranes) iyo qalabka adeegada koontiinarada.
“Maalgashigan waxa uu faa’iido weyn u leeyahay Puntland, kaasoo ka qaybqaadan doona horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, gaar ahaan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sida la ogyahayna horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu waa muhiimadda ugu saraysa ee dalkayaga, iyadoo ay casriyeynta iyo ballaadhinta dekedda Boosaaso qayb ka qaadan doonto kobcinta xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Mr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Maamulaha Shirkadda DP WORLD Mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa isaguna sheegay in shirkadooda awood loo siiyey inay maalgeliso dekedda Boosaaso, waxaannu yidhi; “Waxa aannu awood u leenahay in aannu maalgelino dekedo kala duwan oo badan oo ah meelaha ay ku yaalaan suuqyada soo koraya, iyadoo aannu shaqaalaysiino dadka degaanka iyo xirfadaha horumarinta.”
Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maalgelin ku samaysa, isla markaana maamulkooda gacanta ku haysa dekeddo badan oo ku yaal qaaraddaha Adduunka, kuwaasoo ay ka mid tahay dekedda magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.