Somaliland Waa innay xidhato Albaabada iyo Daaqadaha, Cashuur yar oo laga qaado Diyaarad, Gaadhi Jaad, ama ganacsade ma kaabi karto dhibaatada soo socota.“Dr. Gabboose.

Hargeysa(ANN)- Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo ah dhakhtar caan ah, ayaa ka hadlay xaalada xilligan ee Coronavirus iyo tallaabooyinka looga baahanyahay inay qaaday Xukuumadda Somaliland, isagoo dhinaca kale soo jeediyay tallooyin ku waajahan ganacsatada iyo Bulshada.


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, wuxuu ka hadlay saamaynta dhaqaale iyo Caafimaad ee dunida uu ku yeeshay Xannuunka iyo sida uu dhulka u dhigay dhaqaalaha dawladdaha waaweyn ee Adduunka, wuxuuna arrimahaa kaga hadlay Waraysi kooban oo uu siiyay Telefishanka SaabTV oo kula kulmay Cubataalkiisa Haldoor ee Magaalada Hargeysa.


“Coronavirus ee ay bah-wadaagta yihiin Cudurada SARS, waa Aafo saamaysay dunida oo dhan, dhinacyada dhaqaaalaha, Caafimaadka iyo dhanka Bulshada oo sababay dhaawacyo waaweyn oo kasoo kabashadoodu adagtahay gaadhsiiyay.” ayuu yidhi, Dr. Gabboose.


Wuxuu sheegay in xannuunada SARS ay horre u sababeen xannuuno, xilligana uu Coronavirus noqday mid si weyn dunidu uga qaylinay, isagoo sharaxaya dhibaatada Caafimaad ee xannuunka, wuxuu yidhi, “COVID-19, waa noolayaal nool oo aannay ishu qaban karin, wax dilaya, waxna cuna, la dilo,tarma, xannuunka Coronavirus meesha ugu culus ee uu weeraraa waa neef-mareenka qofka, haba kala cuslaadee neef-mareenka ayuu marka hore fadhiisiyaa, waana xannuun si fudud loo kala qaadi karo.” ayuu yidhi, isagoo si gaar ah u tilmaamay in meelaha ugu fudud ee Fayrisku ka geli karo ay yihiin Sanka, Afka, indhaha iyo meel walba oo qof Fayriska qabay uu taabtay. sidoo kale qufaca iyo hindhisada qofka qabaa ee kuu dhow, ayuu sheegay Dr. Gabboose oo sharaxaya sida loo qaadi karo fayriska Coronavirus.


Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, wuxuu ka dayriyaya dhibaatada iyo halista uu Cudurka Coronavirus ku yeelan karo,walaw ay Somaliland ka nabdoontahay ilaa hadda, wuxuuna tusaale usoo qaatay saamaynta uu ku yeeshay dawladdihii ugu waaweynaa Adduunka, sida Yurub, Maraykan, China , Iran iyo kuwo kale oo dhaqaalahooda, Caafimaadkooda iyo qaranimadooda uu dhulka dhigay COVID-19.


“Bal waxaad qiyaastaa, dal aan haysan awood dhaqaale, awood qalab, xirfadlayaal, awood Cusbataalo iyo goobo u gaar ah oo uu ku habsado, xannuunkani talaal ma laha, daawona ma laha, daladdaha waaweyn ayaa iska joojin lahaa, waxa halkan yaala qofka uu si xun ugu dhacaa wuxuu u baahanyahay in lagu xidho mishiinada Sanbabada siiya Ogsajiinta (ICU intensive care unit) , xaggee ayay yeelaan dalkeena waxay yaaliin meel dhif ah, meeshaasna dirqi ayay ku socotaa, markaa awood uma lihin innaynu wax u qabano qofka xaaladaa gala ee uu ku dhaco xannuunka” ayuu yidhi, Dr. Gabboose.


Sidaa awgeed, wuxuu Dr. Gabboose, usoo jeediyay Xukuumadda inay Somaliland xidhato Albaabadeeda, isagoo yidhi, “Fayriska muddo kooban ayuu jirayaa oo waa sida durayga, laakiin mudadaa ayuu xaalad xun iyo raad kaga tegayaa dalkaa, Xukuumadda waxan ku boorinayaa tallaabooyinka ay qaadeen, hana ogaadeen in cashuur yar oo laga qaaday Diyaarad, Markab ama gaadhi jaad sida, ama ganacsade kale aanay kabaabi karin dhaawaca dhaqaale ee soo socda, waxan markaa leeyahay Xukuumaddu ha qaado tallaabooyinka adag markaa Somaliland waa innay xidhato daaqadaha iyo Albaabada mudada uu Fayriska COVID-19.’ ayuu yidhi.Dr. Gabboose oo tilmaamaya sida ay Somaliland khatartaa uga badbaadi karto.

AKHRI: Coronavirus: Maraykanka Iyo Shiinaha Midkee Samayeeyay Maxaase Caddaymo Loo Hayaa?


Dhinaca kale, Dr. Gabboose, wuxuu Ganacsatada iyo Bulshada usoo jeediyay fariimo, wuxuuna sheegay in ganacsatadu aannay kordhin maceesha oo aannay u fekerin innay ka faa’idaystaan xaalada, wuxuuna tilmaamay in muddo kooban ay xaaladan soo waajahday dunidu soconayso, isla markaana ay xaaladu sideedii kusoo noqonayso, isagoo Bulshadana usoo jeediyay inay dhegeystaan tallooyinka iyo tilmaamaha la siinayo si dhammaan looga badbaado cudurka Coronavirus iyo xaalada uu sababay ee kala xidhnaanta dunida.